CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Boqor Buur Madaw Ku Tilmaamay Nin Nabad-galyo Darrada Sanaag Lagu Xanto
June 15, 2019 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka mid ah Madax dhaqameedka Somaliland waxa uu ku tilmaamay nin nabad galyo darrada Ceel Afweyn ka taagan lagu xanto.

Madaxweynuhu waxa uu Boqor Buur Madaw u sheegay in looga baahan yahay in uu xil iska saaro oo wax ka qabto nabad galyo darrada iyo dagaal beeleedka laba sano iyo badh ka taagan Sanaag Galbeed oo aanay ahayn in uu taleefan ku soo hadlo.

Madaxweynaha Somaliland oo saaka kormeer ku soo maray qaabka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dalku uga bilaabmay dalka gaar ahaan caasimadda Hargeysa oo uu warbaahinta kula hadlay waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi yidhi: “Beelaha Somaliland xaq bay u leeyihiin in ay shiraan. Beel, laba ama saddex beelood waxa ay xaq u leeyihiin in ay shiraan oo mabda’ooda ka wada hadleen iyo waxa u dan ah horena beeluhu ay u shireen. taasi wax weyn ma aha balse Boqor Buur Madaw iyo inta taageersanba waxa looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabad galyada Ceel Afweyn. Boqor ama nin madax dhaqameed ahi maaha ninkii lagu xaman lahaa nabadgalyo darro”.

 

COMMENTS