CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi oo Daah-furay Qorshaha Shanta Sano ee Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland
July 29, 2019 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay qorshaha shanta sano ee soo socota ay ku hawlgeli doonto hay’adda dhawrista tayada Somaliland.

Munaasibadda daah-furka qorshaha shanta sano ee hay’adda dhawrista oo lagu qabtay Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxda hay’adda dhawrista, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu faah-faahinayo muhiimadda ay hay’addani qaranka u leedahay iyo sida ay bulshadu ugu intifaaci doonto qorshaha shanta sano ee la dejiyey.

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Xasan Yuusuf oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee ay hay’adda tayadu soo martay iyo sida ay hay’ad ahaan iskaga xilsaareen inay curiyaan qorshe hawleed ay muddo shan sano ah ku hawl-galaan, kaas oo si mug leh uga qayb qaadan doona inay bulshadu hesho cunto iyo agab tayo leh oo baadhitaanno lagu sameeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna madasha daah-furay, ayaa si waafi ah u sharraxay qiimaha ay leedahay inuu qaranku yeesho hay’ad dhawriseed oo qorsheyaal cadcad leh taasoo jeexatay jidkii ay u mari lahayd hiigsigeeda iyo himiladeeda dambe.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu hay’adda dhawrista tayada Jamhuuriyadda Somaliland ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen iyo hirgelinta qorshaha wax-ku-oolka ah ee ay curiyeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay si buuxda u garab geli doonaan una taageerayaan sidii ay qosheyaashaasi u noqon lahaayeen qaar hirgala oo sidooda looga faa’iidaysto.

COMMENTS