CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qayb-galay Qalin-jebinta Dufcaddii Afraad ee Ka Baxda Jaamacadda Sanaag University
November 27, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Sanaag)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalin-jabiyeen dufcaddii 4-aad (Afraad) ee ka qalin-jabisa jaamacadda Sanaag ee magaalada Ceerigaabo.
Munaasibadda Qalin-jabinta ee uu madaxweynuhu ka qayb-galay oo ay ku qalin-jabiyeen 28-Arday oo ku takhasusay cilmiga barashada Koombuutarka (IT) iyo Caafimaadka oo noqonaya dufcaddii Afraad ee ka baxda jaamacadaas, ayaa ahayd mid si weyn loo agaasimay, waxana Ardayda loo jeediyey hadallo dardaaran iyo dhiirrigelin isugu jira, waxana lagu adkeeyey inay ka faa’iideeyaan cilmigii iyo dedaalkii ay waalidka iyo macallimiintu geliyeen.

Guddoomiyaha Jaamacadda Sanaag, Mudane Cali Cabdi Hurre oo ugu horrayn munaasibadda Qalin-jabinta ah ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay iyo dedaalka ay maamul ahaan geliyeen sidii jaamacaddu u hano qaadi lahayd, isla markaana ay uga soo bixi lahaayeen Arday tayo leh oo dadkooda iyo dalkoodaba anfacda, isaga oo sidoo kalena hoosta ka xarriiqay tiro caqabado ah oo ku gedaaman jaamacadda, kuwaas oo u baahan in wax laga qabto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya oo dardaaran iyo wax u sheeg isugu jira u jeediyey Ardayda maanta qalin-jabisay, ayaa bogaadiyey Ardayda jaamacadda ka baxday, waxana uu ku adkeeyey inay dalkooda u shaqeeyaan, isla markaana ka qayb-qaataan horumarka gobolka Sanaag ee ay wax ka barteen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda waxbaratay ku dhiirrigeliyey inay daraasad dheer oo aqoon ku salaysan ku sameeyaan cabashada uu dawladda dhexe ka qabo gobolka Sanaag, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Gobolku waxa uu ka cawdaa dawladda dhexe, markaa Ardaydiinnan waxan doonayaa inaad noqotaan qaar u war haya gobol walba waxa ka jira, waayo gobol waliba sidaas ayuu u cabanayaa, waxana aan doonayaa inay aqoontiinnu kor u kacdo oo aad gobollada u xaqsoortaan marka aad wax naqdinaysaan, ama xilba haysaan,”

Madaxweynuhu isaga oo ardayda u sharraxaya heerka laga rabo inay gaadhaan, waxa uu intaas ku daray, “Heer qaran baan idinku ogahay, Degree baad qaadateen oo masuuliyiin baad noqoteene, waxan doonayaa inaynu soo celino kalsoonidii,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Ardayda ka codsaday inay ku dedaal sidii mustaqbalka loo arki lahaa Sanaag oo midaysan oo hal u jeeddo leh, danta guudna ka fikiraan, waxana uu yidhi,“Haddii ay odayaashii wixii dhacay iyo dagaalladii jifo jifo kasoo dhiseen, idinkuna dhallinyaroy waxan rabaa inaad Ceerigaabo iyo Sanaag oo mid kali ah dhistaan, illayn ma kala maarannee markaas uun baynuna meel gaadhi karnaa, Cusbitaalka, Jaamacadda iyo amniguna waa heer qaran.”

Madaxweynuhu waxa uu jaamacadda ugu ballanqaaday bilowga iyo dhammaystirka saddex Fasal oo jaamacadda loo dhisi doono, xafiis qalabaysan oo uu guddoomiyaha jaamacaddu yeelan doono, qalabaynta xafiiska macallimiinta Jaamacadda, bixinta lacago kab ah oo jaamacadda la siin doono iyo Baabuur Land-cruiser ah oo guddoomiyaha Jaamacaddu yeelan doono.

FB_IMG_1543322584391 FB_IMG_1543322575199 FB_IMG_1543322570301 FB_IMG_1543322564769 FB_IMG_1543322559507 FB_IMG_1543322548357 FB_IMG_1543322539034 FB_IMG_1543322529091 FB_IMG_1543322523275 FB_IMG_1543322515486 FB_IMG_1543322510605 FB_IMG_1543322504421 FB_IMG_1543322499460 FB_IMG_1543322492025 FB_IMG_1543322487378 FB_IMG_1543322479923 FB_IMG_1543322475395 FB_IMG_1543322470399 FB_IMG_1543322465773

COMMENTS