CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shaki Galiyey Rajo Ay In Badan Qabeen Shacabka Hargeysa
April 17, 2019 - Written by Cabays

CabaysHargeysa -JSL (Cabays Media)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay shaki galiyey in xukuumadiisu ay awood u leedahay  inay soo saarto biyo gaadha dhamaan bulshada ku nool magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inaanay xukuumadiisu hubin biyaha ku keydsan deegaanka Geed-deeble ee laga waraabiyo caasimada Somaliland ee Hargeysa, sidaa darteedna loo baahan yahay in reer Hargeysa isku tashadaan.

Madaxweyne Biixi ayaa shaaca ka qaaday ineyna macquul aheyn in bulsho-weynta Hargeysa oo xilligan ka badan hal Milyan ay isku haleeyaan biyo soo saarka Geed-deeble, ee ay isku diyaariyaan inay helaan biyo kale.

“Macquul maaha, Hargeysa oo Milyan Qof mareysa in Geed-deeble oo aan la ogayn biyaha ku jira, intay soo saartana aynu qasabado waaweyn u samaysanay, inta soconayaan garan mayno, markaa waa inaynu biyo badan qabsanaa oo aynu xoogeena ku tashanaa iyo xoolaheena. Hargeysa biyo way qabsan kartaa iyadoon Cidna u qayshan, markaa hadaanu madaxdii-nahay waxaanu codsanaynaa aynu isugu tagno, tilmaantaa aynu qaadano, weliba mushtamaca Hargeysa deggani ha hoggaamiyo” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Wuxuuna intaas kusii daray Muuse Biixi “Shiki baa laga qabaa Dawladaha oo waxbay halleeyaan baa la is yidhaahdaaye, Hargeysa intay isu tagto oo ay dhaqaalaha ururiso oo ay ta Dawladdana ku darto, Dadkii aqoonta lahaana aynu keeno aynu Caqligeena iyo Muruqqeena aynu biyaha ku joojino. Hay’adahoow na soo gaadha waxba tari mayso, waa Dad inala mid ah oo aynaan isku Diin ahayn, xoolaha aynu qaadano ee Sadaqada ah waxa laga soo ururiyaa Kiniisado, Ilaahayna Gaalo barya inama odhanin, inaga oo Caqligeena qabna”.

Sikastaba ha ahaatee, hadalkan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmaya xilli mudo 7-sanadood oo xidhiidha la waday mashruuca Biyo ballaadhinta, kaasi oo ay ku baxday lacag ka badan 30-Milyan oo Euro, oo ay ugu deeqay Midowga Yurub, iyada oo ay dheer tahay malaayiin dollar oo loogu deeqay biyo balaadhinta Caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi sidoo kale ma sheegin qorshe cusub oo aan ahayn tilmaam in biyaha la xidho , taas oo u muuqta in ay walaac galin doonto dadka caasimada oo la tacaalaya biyo yaraan soo jiitantay.

 

COMMENTS