CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Addis Ababa & qodobadii kulanka oo ay ka hadleen
January 17, 2018 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan qaatay saacado la yeeshay raysal wasaaraha dalka Itoobiya oo ku martiqaaday magaalada Addis Ababa. Kulanka ayaa la sheegay in uu daarnaa arimaha amaanka, isku socodka iyo maalgashiga ka dhexayn kara Itoobiya iyo Somaliland.

Socdaalka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale la sheegayaa in uu la xidhiidho arimo ay hore uga wada hadleen xukumadii Axmed Siilaanyo oo waxba ka socon waayeen, sida arimaha la xidhiidha maalgashiga dekeda Berbera. Raysalwasaare Hailemariam Desalegn iyo madaxweyne Muuse Biixi oo saxaafada la wada hadlay markii kulankoodii soo dhamaaday ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arimo door ah oo amaanku ugu horeeyeyo.

Hlakna hoose kadaawo bixitaankii madaxweyne Muuse Biixi ee Hargeysa iyo soo dhaweyntii iyo kulankii Addis Ababa.

 

Ka dhoofitaankii Hargeysa:

 

Soo dhaweyntii Addis Ababa:

 

COMMENTS