CABAYS.COM
Madaxweyne Xigeenka Maraykanka Oo Isna Weerar Ku Qaaday Haweenayda Ilhaan Cumar Iyo Waxa Uu Ku Haysto!
May 13, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media –  (Washington-USA) –  Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike pence ayaa sheegay Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka iney ku sii nagaanayn ka sii mid ahaanshaha guddiga joogtada ee arrimaha dibadda aqalka Congress-ka.

Warkan oo aan ka soo xigannay wargeyska Jerusalem Post ayaa sheegay inuu Mr Mike Pence uu hadalkaasi ka sheegay mar uu wareysi la yeeshay Telefishiinka Fox News.

“Mareykanka iyo Israa’il waxaa ka dhaxeeyo iskaashi soo jireen ah, marka cid kasta oo isku dayeyso iney carqaladeyso xiriirka soo jireenka ee labada dhinac ka dhaxeeya boos ugama bannaana inuu ka sii mid ahaado guddiga joogtada ee arrimaha dibadda ee Congres-ka.” ayuu yidhi

Ilhaan Cumar ayaa aad loogu cambaareeyay kaddib markii ay 10-ka February barteeda Twitter-ka ku qortay ereyo loo arkay Yahuud-Nacayb.

Iyadoo ka jawaabeyso su’aal Twitter-ka lagu weydiiyay oo ahayd cidda maalgelisa siyaasiyiinta taageerta Israa’iil, ayay Ilhaan tiri “AIPAC”, oo ah urur u ololeeyo dalka Israa’iil oo ka dhisan Maraykanka.

Hadalkaasi ayaa gudaha Mareykanka iyo Yuhuuddaba ka abuuray dhaleeceyn weyn, taas oo xitaa ay si weyn uga hadleen warbaahinta Israa’iil.

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa markiiba hindisay in arrintaasi go’aan laga soo saaro, balse warqado ay soo qoreen taageerayaasha Ilhaan ayaa sababay in xisbigu baddelo mawoqifkiisii, oo waxaa uu cambaareeyay wax kasta oo ku salaysan nacayb.

Trump ayaa arrintaasi u arkay fursad cusub, oo waxaa uu weerar ku qaaday Ilhaan, isagoo ka codsaday inay iska casisho guddiga awoodda badan ee arrimaha dibedda ee Congress-ka Maraykanka.

Maalin kadib ayay Ilhaan sheegtay inay ka cudur-daaratay hadalkii ay tidhi

Gabadha ka tirsan xildhibaannada aqalka koongareeska Mareykanka ee xisbiga Dimuqraaddiga, Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul u dirtay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence kadib markii uu dhaliilay hadal ay ka tiri xiisadaha Venezuela.

Ilhaan ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay falcelinteeda ku aaddan Mr Pence waxayna ku cambaareysay inuu iyada u weeraray si shakhsi ahaan ah.

“Haweenka midabka horay way u maqleen arrintan. intii uu dhihi lahaa ‘fikirkaas waan kasoo horjeednaa’ wuxuu yidhi ‘Ma taqaanno waxa ay ka hadleyso. Waa inay na dareensiiyaan inaan tabaryar nahay. Nidaamka noocan ah wuxuu u maleynayaa in isbaddalka cimilada uu yahay ficil uu Shiinaha sameeyay”, sidaas ayey Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan.

Ilhaan Cumar ayaa wajaheysa dhaleeceyn kadib markii cabasho ka muujisay habdhaqanka Mareykanka ee ku aaddan Venezuela.

Galinkii hore ee isla maalintaas, Pence ayaa Ilhaan ku eedeeyay inaysan waxba ka ogeyn “waxa ay ka hadleyso”, ka dib markii ay shaacisay hadallo u muuqday inay mas’uuliyadda xiisadaha Venezuela dusha ka saareyso maamulka Trump, maadaama sida ay sheegtay ay si qallafsan ula dhaqmeen waddankaas ayna cunaqabateyno saareen.

 

COMMENTS