CABAYS.COM
Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Soo Kormeeray Mashaariic Horumarineed Oo Laga Wado Goboladda Awdal Iyo Gebilay
December 30, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Gabiley)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti ballaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maanta kormeer kusoo maray mashaariic horumarineed oo laga hir-geliyay magaalooyinka Boorama iyo Gebilay.

Kormeerka madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxa bar-bar socday barmaamijka isla-xisaabtanka maamul-daadajinta dagmooyinka ee JPLG-ga.

Maayirka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa sheegay in ay mashaariic badan ka fuliyeen dagmadda boorama, mashaariicdaasi oo taageero dhaqaale ka helay mashruuca maamul-daadajinta ee JPLG-ga, waxaana kamid ahaa hadaladii maayirka “Madaxweyne mashaariicdan aanu halkan kusoo bandhignay waxaanu ka fulinay barmaamijka maamul-daadajinta ee JPLG-ga, la’aantiina halkaa ma gaadhneen, Boorama waxay ahayd degmadii ugu horaysay ee lagu tijaabiyo waanaanu ku guulaysanay” ayuu yidhi Maayirka Boorama.

Madaxweyne ku-xigeenka somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in degmada Boorama ay ahayd meeshii ugu horaysay ee lagu tijaabiyo mashruuca maamul-daadajinta waxaanu madaxweyne ku-xigeenku sheegay inay ku guulaysteen hirgelinta mashruucaasi, mashaariicda sanadka 2017 laga maal-geliyay barmaamijka maamul-daadajinta ayaa waxa kamid ahaa xarumo caafimaad, xarumo waxbarasho iyo wadooyin.

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kormeer kaasi la mida kusoo maray magaalo madaxda gobolka gebilay ee gebilay, isagoo madaxweyne ku-xigeenku soo indho-indheeyay mashaariic horumarineed oo degmadaasi ka socota, sidoo kale kulan ay waftida madaxweyne ku-xigeenku la yeesheen golaha deegaanka gebilay ayaa halkaasi xildhibaanada lagu waydiyay su’aalo la xidhiidha barmaaamijka maamul-daadajinta ee
JPLG-ga.

 

COMMENTS