CABAYS.COM
Madaxweynihii hore ee DFS ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo diirka ka qaaday dagaalka dhaqaale ee xukumada Farmaajo
July 16, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media – (Hargeisa -JSL ) –Madaxweynihii hore ee dawlada Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa laga xumaado ku tilmaamay in xayiraada la saaray xoolihii ka dhoofay dekeda magaalada Berbera ee lagu xayiray Jidah, dalka Sacuudiga.

Madaxweynihii hore,  Xasan Sheekh ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa uu ku lee yahay barta Facebook waxa uu shacabka Jamhuuriyada Somaliland ugu baaqay inay ka hortaagaan dagaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee kaga socda xukumada Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid noqday siyaasiyiinta dalka la dariska ah Somaliland ee Soomaaliya ee ka badheedhay in ay sheegaan dagaalka dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay dalwad Farmaajo kula jirta JSL. Inkastoo ujeeda ay uga hadleen siyaasiyiintani ay badi tahay ku jiqsiin ay uga dan lee yihin mucaaridnimada ay u hayaan xukumada magansatay ciidama AMISOM, haddana waa astaan muuinaysa in uu jiro dagaal dhab ah oo ay xukumada Faramaajo ku hayso dalka Somaliland, taas oo ay masuuliyiin badan oo Somaliland ahi hore uga hadleen.

Image result for xasan sheekh maxamuud

Sidoo kale  Xasan Sheekh waxa uu meesha ka saaray in siyaasad la galiyo arimaha horumarka iyo ganacsiga, waxaanu qoraalkiisa Facebook u dhignaa sidan:-

“Waxaan ka xumahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku ka soo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha.

Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad umadeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga. Gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay.

Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo. Dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan”

Xasan Sheekh ayaa qoraalkiisa ku soo gabogabeeyey maahmaah qiyaastii laga isticmaalo deegaankisa oo uu ula jeedo xukumada Farmaajo in ayna sii waarayn, waxaanu yidhi:

“Dowlada iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya”

Hadalka Xasan Sheekh waxa uu markhaati u yahay in dagaalka dhaqaale ee ay kuwado Somaliland dawlada itaalsata aqoonsi diblamaasiyadeed ee aan sugin amaanka isla magaalada Muqdisho. Hase ahaatee waa digniin culus hadalka Xasan Sheekh oo iftiiminaya in uu jiro dagaal aaan loo yaraysan.

COMMENTS