CABAYS.COM
Madaxweynihii Kenya Oo La La’ Yahay Iyo Dalka Uu Ku Sugnaa Markii Cid Ugu War Dambaysay
May 12, 2019 - Written by Cabays

Nairobi (Cabays Media)-Warbaahinta waddanka Kenya ayaa saacadiii la soo dhaafay waxa ay qorayaan dhacdo cajiib ah oo lagu sheegay in Madaxweynihii waddankaasi Kenya Uhuro Kenyatta la is waydiinayo halka uu ku dambeeyey iyada oo ay dadka ugu war dambaysay muddo haatan laga joogo laba wiig iyo badh.

Shacabka Kenyaanka ayaa haddaba dhibacooda illaa Sabtidii baraha bulshada ku kulanto ee twitter-ka ku dalbanayay in ay jawaabo u helaan halka uu ku dambeeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Uhuru ayaanan indhaha bulshada lagu arag muddo laba isbuuc tan iyo markii uu u kicitamay dalka shiinaha si uu heshiisyo ganacsi ula gaaro dhigiisa dalkaasi.

Marka laga reebo xaqiijinta heshiiska EE Shiinaha, Uhuru wuxuu markhaati Ka ahaa saxiixa laba heshiis oo mashruuc oo lagu gaaro Sh67.5 bilyan oo ah iyada oo loo marayo maalgalinta macaamiisha iyo Iskaashiga Dadweynaha ee Gaarka loo leeyahay (PPP).

Waxay barta bulshada isugu timaado ee twitter-ka, ka bilaaben olole loogu magac daray #SooRaadiyaMadaxweyneUhuru oo ay ku soo bandhigeen sawiro iyo marki u dambeuysay halka uu ku sugnaa.

Waxaana ka mid farriimihii dadku isweydaarsanayaan kuwan:

” ugu horeyntii waxaa uu hawada ka saaray dhamaan ciwaanadiisa baraha bulshada, dabateedana wauxuu aaday shiinaha sii uu lacag deyn ah u raadsado, wixii intaa ka dambeeyay madaxweynaheena lama arag!halkuu aaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta? @SueKE254 ayaa sidaasi qortay

“waa inaynu raadinnaa madaxweynaha, annagu waan joogi karnaa isaga la,aantii waxaanse filayaa in shiinuhu haysto illaa inta deynta ay ina siiyeen aynu dib isaga bixinayno’ @MbuthiaAmina

COMMENTS