CABAYS.COM
Maraykanka Ayaa Sheegay In Uu Heshiis Muhiim Ah Kala Shaqaynayo Sidii Ay U Wada Gaadhi Lahaayeen Ingiriiska
July 27, 2019 - Written by Cabays

Washington (Cabays Media)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inay soconayaan wadahadallo ku saabsan heshiis ganacsi oo aad muhiim ah oo uu la leeyahay UK. Heshiis labada dal ay yeeshaan kaddib marka Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub ayaa waxaa suuragal ah inuu horseedo ganacsi ka badan saddex illaa afar, xataa mid ka badan kii hore shan jeer, sidaasi sheegay madaxweynaha Mareykanka.

Kaddib markii uu Jimcihii khadka taleefanka kula hadlay Borris Johnson, ayuu Mr Trump waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha cusub uu noqon doono mid weyn.

Mr Trump ayaa sheegay in ganacsiga markii hore ka dhaxeeyay Mareykanka iyo UK ay waxyeeleysay xubinnimadii Britain ee Midowga Yurub.

Haddaba marka UK ay Midowgaasi isaga baxdo, ayuu ku daray, waxaa laga filan karaa inay wax badan ka qabato gacansiga ka dhaxeeya Mareykanka.

Mr Johnson iyo Mr Trump ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabi doonaan wadahadallada rasmiga ah kaddib markii Britain ay isaga baxdo Midowga Yurub.

Inta UK ay ka tirsan tahay Midowga Yurub ayaanay geli karin heshiisyo ganacsi oo u gaar ah. Ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurubna waxaa lagu wadaa inuu dhaco 31 bisha Oktoobar ee soo aaddan.

Donald Trump waxa uu si weyn u soo dhaweeyey xilka uu Boris Jonhson ka qabtay UK isaga oo sheegay in uu yahay nin weyn oo ay is fahmi karaan.

COMMENTS