CABAYS.COM
Markab Ay Saaran Yihiin Qalabkii Milatariga Imaaraadka Oo Ka Shiraacday Dekeda Muqdisho
April 24, 2018 - Written by Cabays

Markab laga leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku xirnaa dekeda Muqdisho ayaa ka shiraacday maanta kadib markii la saaray qalab milatari oo ay ciidamada Imaaraadka ku tababari jireen ciidamo Soomaali ah.

Image may contain: ocean, sky, outdoor and water

 Saanada lagu raray markabkan ayaa waxaa ka mid ah kunteenaro,gaadiid caadi ah iyo gaadiid dagaalka,gaadiidka aan rasaastu karin oo madaxda lagu qaado iyo qalab kale kuwaasoo laga soo qaaday xerada General Gordon ee magaalada Muqdisho.

Markabka Jabel Ali 7 (NAIF MARINE) ayaa markii uu ka furtay dekeda Muqdisho waxaa ka bilowday xeradii lagu tababari jirey ciidamada ee dowlada Imaaraadku gacanta ku haysay dagaal u dhexeeya ciidamadii halkaa hore u joogay iyo ciidamo kale.

Hase yeeshee dagaalka ayaa joogsaday inkastoo aan weli la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka. Taliyaha ciidamada xoogga dalka General Gordon oo booqday dhowaan xeradaas ayaa sheegay in ay la wareegeen ciidamada iyo wixii yiil xeradaas.

 

 

COMMENTS