CABAYS.COM
Marxuun Cali Sheeko Xariir oo lagu aasay London kadib markii uu u dhintay xanuunka COVID 19
April 11, 2020 - Written by Cabays

Allah ha u naxariisto qoraa, taariikhyahan, Cali Axmed Maxamed oo ku magac dheeraa Cali Sheeko-Xariir oo ku geeriyooday magaalada London 28-ki bishii March ee ina soo dhaaftay

Marxuunka ayaa u geeriyooday sabab uu keenay xanuunka Covid-19. Marxuun Cali Axmed Maxamed oo sanadkii 1953 ku dhasay deegaanka Hawd ee Gobolka Sool ee JSL ayaa noqday sanadihii dabayaaqadii 7o-nadii ururiye sheekooyinka dhaqanka  iyo taariikhyahanada Soomaalida kuwa ugu caansan ee ku xeel dheer sheekooyinka ka dhexdhaca bulshada ee ku salaysan qisooyin dhab ah.

Marxuun Cali-Sheeko Xariir, waxa uu mudo dheer oo ilaa sanadkii 1972-kii soo ururin jiray sheekooyinka taariikh-galka ah ee inta badan ku aroora dhacdooyinkii hab-nololeedkii bulshada ku dhaqan badi deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland. 

Waxa uu sheekooyinkii uu soo ururiyey sanadihii 1970-dii ilaa iyo dhamaadkii 1980-dii uu ka soo jeedin jiray Radio Muqdisho xiligii Jamhuuriyadii Soomaalida ee burburtay. Marxuunku waxa uu barnaamijyo sheekooyinka taariikh-galka ah ka jeediyey barnaamijyo badan oo ka baxay tv-yo kala duwan, ka baxay, kaas oo uu ka mid yahay TV- Qananka Jamhuuriyada Somaliland laantiisa London oo uu mudo ka hawlgalay. Halkaas oo ku duubi jiray barnaamij joogta ah oo xambaarsanaa qisooyin nolo-dhaqameed ka bulshadeena dhacay ilaa 150 kii sano ee ugu dambeeyey.

Marxuun Cali- Sheeko Xariir, oo sanadkii 1993-kii ka mid noqday dadkii galay dalka UK, waxa intii uu joogay bulshada ku cusub dalkaasi UK ka caawin jiray arimaha deganaanshaha dalkaasi sida helista sharciga, hoy iyo dhamaanba adeegyada bulshada.

Marxuunka ayaa mudooyinkii dambe ku mashquulsanaa  buug xambaarsan qisooyin dhaxmaray bulshada dhulka nugaaleed ee Gobolka Sool  iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo ragii ay iska soo horjeedeen, qisooyin aan hore buug loogu qorin buugaatii Sayid ka iyo kuwo kale oo badan.

Intii uu Marxuunku qurbaha ku noolaa ku dhowaad 30 sano, waxa uu ka mid ahaa nabadoonka qurbejooga ee u ololeeyey nabadaynta deegaankii uu ka soo jeeday ee Gobolka Sool.Waxaanu si weyn u xidhiidhin jiray guud ahaanba bulshada Somaliland ee UK, waxaanu kaga jiray bulshada Somaliland UK kaalin laxaadle.

Allah ha u naxariisto marxuunka, samir iyo iimaana dhamaan qoyskii, asxaabtii iyo dhamaan qarankii uu ka baxay.

Image may contain: 1 person, sunglasses, possible text that says 'Allah ha и naxariisto Qoraa Cali Sheeko Xariir Aamiin, aamiin, aamiin! cabays.com'
 Waxa uu noloshiisa guursaday saddex dumar ah oo midi u dhashay i inan ah, halka midi u dhashay lix caruur ah. Waxaana marxuunka ay isqabeen Aniisa Cumar Saleebaan oo u dhashay lix caruur ah, waxanu marxuunku ifka kaga tagey 13 caruur ah. Marxuunka ayaa ka mid ah Muslimiinta badan ee xanuunka COVID 19 sobobay geeridooda ee lagu aasay xabaalaha Muslimiinta ee London maalintii Isniintii ee bishan ahayd todobada.
Bahda Cabays Media waxa ay tacsi u diraysa dhamaan ehel-kii, asxaabtii iyo qarankii uu ka baxay.
Allah u naxariisto marxuunka
Qore: Cabdillahi Maxamed Cali
COMMENTS