CABAYS.COM
Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaa waxa ay si wadajir ah ugu heshiiyeen In La Daraaseyo Webiga Niil
May 18, 2018 - Written by Cabays

Masar, Suudaan iyo Itoobiya ayaa waxa ay si wadajir ah ugu heshiiyeen inay darsaan sida biyo xireen laga dhinac sameeyay webiga Niil uu u saameyn karo heerka biyaha ee webigaasi.

Xiriirka ka dhaxeeya dalalkaasi ayaa waxaa soo kala dhexgalay madmadow kaddib markii ay Itoobiya go’aan ku gaartay inay webiga Niil ka bilowdo dhismaha biyo xireen weyn oo ku kacaya shan bilyan oo doolar, taas oo Masar ay ka cabsi qabto inuu saameyn weyn ku yeesho biyaha ay ka hesho webiga.

In saraakiil sarsare oo ka socday dowladahaasi ay ka arrinsanayeen biyo xireenka muranka badan dhaliyay ee laga dhinac dhisayo webiga Niil ayaa dhab ahaantii ah in horumar la sameeyayba.

Xiriirka ka dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ayaa aad u liitay oo dadku waxa ay ka hadlayeenba suuragalnimada in biyaha webiga lagu dagaalamo.

Itoobiya ayaa waxa ay sheegaysaa in biyo xireenkan weyn uu muhiim u yahay sababtoo ah baahida koronto ee ay qabaan dadkeeda korka u dhaafaya boqolka milyan.

Hasayeeshee Masar ayaa waxa ay ka walaacsan tahay in biyo xireenka oo la buuxiyo ay yareyn doonta biyaha ay ka hesho webiga.

Haatan waxa ay isku raaceen in khubaro madax bannaan oo ka socota jaamacado ku yaal saddex dal ay darsaan sida biyo xireenka loo buuxin karo iyo sida biyaha lagu fasixi karo.

COMMENTS