CABAYS.COM
Maxaa Ka Jira In Uu Iscasilaayo Madaxweynaha Dawllad Degaanka Somalida Itoobiya
July 9, 2018 - Written by Cabays

Xogaha ugu danbeyey ee ay helayso Cabays Media ayaa tibaaxaya in ay jirto xog huursan oo ah in madaxweynaha dawllad degaanka somalida itoobiya iyo sidoo kale madaxweynaha Oromada labadu in ay iscasilay xog ka ag dhow dawllad degaanak somalida ayaa Cabays  Media u sheegay in labada madaxweyneba looga yeedhay caasinmada dalka itoobiya looga taliyo ee Adis, intii aanu madaxweyne abiy Ahmed u ambabixin dalka Eritrea

Xogta ayaa daboolka ka qaaday in uu jiro isfahan waa siyaasadeed oo ku qoto siyasada cusub ee raysal wasaaraha itoobiya ku hogaaminay dalka, Raysal wasaaraha dalka itoobiya abiy ahmed ayaa goor sii horaysay shaaca ka qaaday in laamaha amaanka dalkiisu yihiin argagixo hadalkaas oo u muuqday mid uu ku duray isla markaana ugu duur xulayo maamulka madaxweynaha dawllad degaanka somalida itoobiya cabdi maxamuud cumar,sidoo kale todobaadkan warbixin ay soo saartay haayada u dooda xaquuqada Aadamaha  ee Human Right Watch ayaa lagu sheegay in dawllad degaanka somalida itoobiya siiba xabsiyada dalkaasi si xun loola dhaqamo dad ku xidhan isla todobaadkan waxa muran galay ceelasha shidaalka ee laga qoday dhulka somalida itoobiya kedib markii ay isku afgaran wayeen maamulka madaxweyne cabdi maxamuud cumar iyo xukuumada itoobiya taasna ay  sii xoojisay is afgaran waaga siyaadeed ee labada maamul

Dadka faalleya arimaha siyaasada siiba kuwa dawllad degaanka somalida itoobiya waxay sheegayaan in madaxweyne cabdi maxamuud cumar ku xidhan yahay caasimada dalka itoobiya ee adis abab isla markaana aanu ka bixi karin xilka madaxweynenimo uu wareejin doono markuu soo laabto raysal wasaaraha itoobiya

xog kale oo aan helay ayaa sheegay in ciidamada itoobiya amar lagu siyey in ay la wareegaan dhamaan Kantaroolada Goday,Wardheer,Shiilaabo iyo Dhagaxbuur.cabsi laga qabo in ay ka bilaabmaan kacdoon

Raysal wasaaraha dalka itoobiya ayaa maanta dalka isna dib ugu soo laabanaya safar uu ku joogay dalka Eritrea,Dad ayaa sheegaya soo laabashada abiy in ay ku xidhan tahay iscasilaada labada madaxweyne ee somalida iyo oromada

COMMENTS