CABAYS.COM
Maxaa keenay hawlagaldii Ciidamada JSL ee sida weyn shacabku u dareemay habeekiin Jimcihii?
September 12, 2020 - Written by Cabays

CabaysCabays Media ( Wararka dahsoon) – Hawlgal balaadhan oo aan ilaa iyo sanadkii 2016-kii aanay shacbiga Somailand arag ayaa ciidadmada  Sirdoonka iyo kuwa booliisku ay ka fuliyeen ugu yaraan saddex magaalo ee ugu waa waeyn, Hargeysa, Burco iyo Boorama, kuwaas oo shacbiga magaalooyinkaasi ay dareemeen in wax jiraan, balse aan Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland siin wax macluumaad ah, marka laga yimaad taliyaha booliska somaliland laanta Gobolka Togdheer oo si kooban u sheegay in ay hawlgal ka fuliyeen magaalada Burco.

Hase ahaatee,sida ilo xogogaal ahi u sheegeen wariye ka tirsan Cabays Media, habeenkii Jimcuhu soo galayey hawlaglada isla saacado isku mid ah ciidanku ka fuliyeen waxa uu ahaa mid ay kaga jawaabayeen warar xog hoose ah oo ay heleen, kaas oo sheegayey in ay jiraan kooxaha xagjirka ah ee looyqaan Kuwa-gacanta-fudud ee ka dagaalama Soomaaliya ay wadeen qorsheyaal weerar oo ay ka buugesadaan magaalooyinka Boorame, Hargeysa iyo Burco.

 

Ciidamada JSL ayaa hawlgaladaaas la sheegay in ay ku soo qabteen dad gaadhaya ilaa iyo 13 qof oo iskugu jira kuwo u dhashay Somaliland iyo kuwo ka yimid deegaamada Soomaalida ee Itoobiya iyo dalka Soomaaliya. Dadka ay ciidamadu qabteen oo guriyo iyo goobo aanay shaaciin ciidanku ay ku qabteen ayaa sidoo kale qaar kood ay ku qabteen iyagoo saaran gawaadhi magaalooyinka socday, kuna hawlanaa fulinta weeraro ay ku beegsanayeen goobo ay ka mid yihiin suuqyada magaalooyinka ee ay dadku ku badan yihiin.

Sida ilahani ay sheegayaan, waxa sidoo kale ciidamada booliska Somaliland gacanta ku dhigeen jawaano ay ku jiraan walRRUxo qarax iyo qalab loo adeegsado samaynta qaraxyada, kuwaas oo la sheegay in kooxda la qabtay ay doonayeen in ay u kala gudbiyaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Sidoo kale wararkan arinkan ku saabsan ayaa la sheegayaa in diyaaradaha wax sawira, kuna gaashaaman dhageysiga telefoonada Satelite ka ay sidoo kale ciidanka JSL ka taageerayeen tilmaamista meelaha ay ku sugan yihiin shaqsiyaadka lagu dabo jiray oo qaarkood la sheegay in ay isticmaalayeen telefoonada Satelite ka ee aan ku xidhnayn shirkadaha dalka.

 

Dhinaca kale, ciidamada kala duwan ee sida Sirdoona iyo laamaha amaanka JSL ayaa wali ku raadjira xubno kale oo la sheegay in ay dalka soo galeen, balse aan la ogayn in ay wali ku sugan yihin iyo in ay ka baxeen. Wararka Cabays Media helayo ayaa sheegaya in xubno maalmo kooban ku sugnaa oo la tuhumay ay dalka ka baxeen, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo u dhashay dalalka Masar iyo Yemen oo qaarkood ay siteen baasaabooro dalal kale ah. Wali waxa socda baadhitaanka xubanaha la qabtay oo iskugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo qoomiyad ahaan wada ah Soomaali, balse ka soo kala jeeda dalalka Geeska Afrika, Sida xogo hoose oo Cabays Media helay ay sheegayaan.

RRU LS

Sida xogo ka tirsan booliisku u xaqiijiyeen Cabays Media, waxa suurto gali kari weyday in kooxda argagixisada ah ay helaan taageero dad Somaliland ah, waana sobobta ay u fashilmeen, isla markaana ay mar walba u fashilmaan weerarada ay qorsheeyaan.

Taliyaha ciidanka booliiska  ayaa la filayaa in uu war kooban ka bixiyo hawlgalkii habeenkii Jimcihii.

La soco wararkan oo arimo cusub la filayo in ay ka soo kordhaan.

 

COMMENTS