CABAYS.COM
Maxaa Sababay In La Gubo Buuga Wasiir Guribarwaaqo
December 24, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Hargeysa)

Maxaa Sababay In La Gubo Buuga Wasiir Guribarwaaqo?
Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in goob fagaare ah lagu gubi doono buugga Sooyaal ee wasiir Guribarwaaqo qoray. Guddi golaha guurtidu u saartay arrintan ayaa sheegtay in Buuggu meel kaga dhacayo Diinta Islaamka, dhaqanka iyo nabad galyada sidaasna ay ku go’iyeen in si wadar ah loo gubi dibna aan loo daabicin.

Buugga Sooyaal oo wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo qoray sanadkii 2012 waxa uu Somaliland buuq ka abuuray horraantii sanadkan markii la soo bandhigay aflagaado ku qoran oo ka dhan ah haweenka beesha Ciidagale. Haweenka oo dagaal adag ka galay sidii tallaabo looga qaadi lahaa iyo cid kasta oo ka hadashay ma jirin cid dheg u dhigtay.

Buuggu waxa uu si weyn u dhalliilaya Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxaana ka damqaday eheladii Sayidka oo ergo ahaan ku yimid magaalada Hargeysa. Dhawaan magaalada Jigjiga kulan ay ku yeesheen abwaanno iyo dad suugaan dhaadhi ah waxay soo saareen in buuggaas la cidhib tiro.
Golaha guurtida oo ay gaadhay cabashada Haweenka Ciidagale ayaa 12/8/2018, waxay guddi u saareen arrinta buugga. Guddida oo wasiirka iyo haweenkaba dhegaysatay waxay bishii October soo saareen go’aammo ay shir guddoonka soo gaadhsiiyeen laakiin, guddidaasi ayaa la sheegay in lagu gacan saydhay go’aankooda lana kala diray sida ay haweenka iyo madax dhaqameed sheegeen.

Hase ahaatee maalin kadib markii madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi kulan kula yeeshay magaalada Wajaale madaxweynaha gobolka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayay guddidii Guurtidu soo saartay go’aan aan la filayn oo ah in buuggaasi lagu gubo goob fagaare ah lana cidhib tiro.

Dadka qaar ayaa u arka in madaxweynaha gobolka Soomaalidu kala hadlay madaxweyne Biixi in la fuliyo go’aanka guddida Guurtida ee muddada laalna, islamarkaana la tirtiro buugga wasiir Guribarwaaqo.

X.sayruuq

COMMENTS