CABAYS.COM
Maxay Ahaayeen Hadalladii Weerarka Ahaa Ee Donald Trump Ku Qaaday Haweenayda Ilhaan Cumar Iyo Soomaalida?
July 15, 2019 - Written by Cabays

Washington (Cabays Media)– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar culus ku qaaday haweenayda Soomaaliyadda ah ee Ilhaan Cumar iyo dalka ay kasoo jeeddo ee Soomaaliya, oo uu si aad ah u aflagaadeeyey iyo waliba xataa madaxda dalkaasi Soomaaliya.

Qoraalka Trump ayaa sidoo kale ku wajahnaa xildhibaano kale oo ka tirsan congress-ka Mareykanka, oo kala ah Rashida Tlaib, Ayanna Pressley Alexandria iyo Ocasio-Cortez .

dhammaanba xubnahaasi oo uu sidoo kale Madaxweynaha Maraykanka ee Mayalka adagi Donald Trump uu aflgaadeeyey dalalkooda.

Saddex qoraal oo uu shalay Shalab Donald Trump soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu haweenka ka tirsan Congress-ka ugu eedeeyay inay haweenkani si joogto ah u dhaliilaan isaga iyo waddanka Mareykankaba.

 Wuxuu qoraalkiisa ku yidhi sidan: “Way xiiso badan tahay in la arko horumarka ay gaadheen haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddigu, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin qalalaasena ku jiraan, midda ugu sii xunna, ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan, xitaa haddiiba ay shaqeeyaan, haddana waxay cod dheer dumarka noocaas ahi ugu sheegayaan dadka Mareykanka, oo ah dowladda ugu awoodda badan adduunka, sida wax loo maamulo.

“Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyadu ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen” sidaasi ayuu Trump ku weeraray haweenka ay Ilhaan Cumar ka mid tahay ee madaxda ka ah dalkaasi.

Qoraal kale waxa uu ku yidhi sidan: “Meelahaas ayaa garab idiinka baahan, si dhakhso ah kuma bixi kartaan. Waan hubaa inay Nancy Pelosi aad ugu farxi doonto inay si deg deg ah u diyaariso qorsheyaal safarro oo bilaash ah”.

Sidoo kale Ilhaan Cumar oo kusoo jawaabtay Twitter-keeda ayaa eedeyn culus u jeedisay madaxweynaha, iyadoo sheegtay “inay u dhaarteen sidii ay ula dagaallami lahaayeen madaxweynaha ugu musuqmaasuqa badan ee abid soo maray Mareykanka”.

COMMENTS