CABAYS.COM
Maxay ku heshiiyeen Farmaajo iyo Dr Abiy?
June 16, 2018 - Written by Cabays

 

CabaysCabays Media (Muqdisho- Soomaaliya) – Kadib saacado ay ku jireen kulan albaabada u xiran, ayay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed shaaciyeen waxyaabaha ay ku heshiiyeen.

Iyaga oo shir jaraa’id ka hadlaya ayay si wadajir ah u sheegeen in labada dal uu dhex marayo iskaashi dhinacyo badan, kaas oo uu xitaa qeyb ka yahay is dhexgal labada bulsho.

Waxa ay madaxda si wada jir ah ugu dhawaaqeen guddi heer wasiir ah oo si dhaqso ah u hawlgalaya oo isku dhaf ah, kaas oo ka shaqayn doona fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

Qodobka 7aad ee heshiiska ayaa ahaa kan ugu culus, wuxuuna ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen is ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal.

Waxaa xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay horey uga hortimid heshiis lala galay shirkadda DP World oo ay ku maamulayso dekada Berbera, heshiiskaas oo Itoobiya qeyb ka ahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa boggaadiyay dadaalka ciidamadda nabad illaalinta Afrika ee AMISOM oo ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda,waxaan kugu soo dhaweynaya Soomaaliya,Soomaaliya iyo Itoobiya,waxay wadagana taariikh,dhaqan,booqashadaada maanta waxay xoojinaysa xiriirka naga dhexeeya,majiraan wax kala qeybin kale walaaltinimada labada dal,waa waajib ina saran in aan xaqiijinayo nabadda iyo horumarka labada dal,iyadoo loo marayo kobada dhaqaale iskaashi bulsho,waxaan doonayaa in aan halkani ugu mahadceliyo ciidamada militariga ee dalkaaga sida ay naftooda inoogu hureen in ay Soomaaliya ka caawiyaan ka hortaga cadowga Alshabaab oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Qodobka 12-aad ee heshiiska ayaa sidoo kale xusayay in labada dal ay si buuxdo ugu heshiiyeen in midba midka kale uu xushmeeyo madaxbanaanida, qaranimada iyo xornimada siyaasadeed ee dalalkan. Iyada oo sidoo kale ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa midnimada Soomaaliya.

Heshiiska oo u muuqday in muddo laga soo shaqaynayay, kulankana uu ahaa mid munaasabad uun looga gol lahaa, ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo labada dal dhexmaro.

Kulankan ayaa waxaa la sheegay in uu kasoo shaqeeyay Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo dhawaan booqasho ku tagay Itoobiya, balse kulamadii maanta meelna kama uusan muuqanin Kheyre.

Ra’isulwasaare Abiy oo ay la socdeen illaalo hubeysan ayaa isla maantana dib ugu laabtay dalka Itoobiya.

Halkan hoose ka daawo hadaladii ay jeediyeen oo Af-Ingiriis ah:

COMMENTS