CABAYS.COM
Maxkamad Hargeysa oo xukun xayiraad iyo ganaax ah ku riday wargeyska Foore
February 10, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeysa- JSL) Saaka xubaxnimadii ayaa waxa xukun aan la filayn ay ku riday wargeyska ugu akhriska badan wargeysyada ka soo baxa Somaliland ee la yidhaa Foore.

Maxkamada Hargeysa ayaa wargeyska Foore ku riday hal sano oo xayiraad ah iyo taqsiir lacageed. Hase ahaatee xayiraada ayaa ah mid aan la filayn, taas oo ah taalbo lid ku ah xuquuqda mulkiilaha, xuquuda helista warar si xor ah iyo sidoo kale xeerka saxaafada oo aan loo marin xukunkan.

Xukunka maxkamada oo mudo dhageysigiisu soo socday ayaa saaka noqday mid laga yaabay, isla markaana bahda saxaafadu qaadan kari weyday .

Halkan hoose ka daawo Tifatiraha Wargeysa Foore oo xukunkaa ka hadlay.

Foore

 

COMMENTS