CABAYS.COM
Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Oo Diiday Dalab Ciidanka Uga Yimid Oo Lagu Rumaan Garanayay Wariye Coldoon
April 20, 2019 - Written by Cabays

Hargaysa (Cabays Media)- Garyaqaan Mubaariga Cabdi ismaaciil oo ah garyaqaanka u doodaya Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa sheegay in maxkamadda gobolka Maroodi jeex ay saaka diiday in ay rumaan garayso wariye Cabdi Maalik Oo Ciidanka amaanku ka soo xidheen magaaladda burco.

Maxkamadda Ayaa Sababaha ay u diiday ku sheegtay in qodobo badan oo sharcigu dhigayo ay ciidanka boolisku ka talaabsadeen kuwaas oo tilmaamay in ay dhigayaan in Cabdi Maalik lagula kacay xad-gudub sharci.

Garyaqaanka oo warbixin uu arintani kaga hadlayo soo dhigay dagalka uu facebooga ku leeyahay ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Saaka waxa la hor keenay maxkamadda Gobolka Marodi Jeex Suxufi Abdilmalik Muusa Coldoon si loo rumaan gareeyo .

Balse gudoomiyaha maxakamada gobolku ciidanka wuu ka diiday dalabkoodi waxaanu ku sababeeyay laba qodob oo kala ah 1) inaan suxufiga xadhigiisa loo Marin sharciga amar qabashana lagu Soo xidhin.

2)in aanu ikhtisaas dhuleed u lahayn dhegaysiga dacwadan maadama baaxadiisu ku eeg tahay Gobolka maroodi jeex.

3) inaan xataa la hor gayn maxkamadii magaaladiisa oo lagala xishooday in la hor geeyo .

4) in maxkamada sarre aanay soo saarin qaraar soo wareejin gal dacawadeed oo heerka darjada kow aad ah .

5) in nabarada uu qabo suxufigu la geeyo cusbitaal si loogu daweeyo xaalada dhaawaca jidheed ee Soo gaadhay cabdi Maalik maaha mid ay ciidanku u gaysteen balse waa mid ka dhalatay firxadkii uu booliska ka cararay Coldoon beenta ma yaqaan sidaasu maxkamada u xaqiijiyay

Haddaba arrinta walaaca leh ee aan ka shaki qabaa waa in boolisku diidan amarka gudoomiyaha maxakamada gobolka oo ay maxakamada sare ka codsadaan in la amro in halkan lagu dhegaysto kiiskan.

Taasina laba sababood darteed uma wanaagsana

A) inaan la Ixtiraamayan ku dhaqankii sharciga oo waajibinaya ikhtisaas dhuleed.

b) inaan maxkamadaha laftigoodi is ixtiraamayn

C) in loo arko maxakamadaha gobolada ku yaala inaanay lahayn capacity ay kiis ku galaan taasina waxay u eekanaysa yasmo.

Ugu dambeyn waa fool xumo in qof sool ama sanaag laga soo xidhay la idhaa hargeisa noogu dhegaysta.

Arrintaasina in badan bay Soo Soo noqotay

COMMENTS