CABAYS.COM
Maxkamadda Ugu Sareysa Mareykanka Oo Go’aamisay In Dalkaasi Derbi Weyn Isaga Xidho Xuduudda Mexico
July 27, 2019 - Written by Cabays

New Mexico (Cabays Media)- Maxkamadda ugu sareysa Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu $2.5 bilyan oo doolar ka isticmaalo sanduuqa Pentagon-ka si uu u dhiso qeyb ka mid ah darbiga ee dhinaca koonfureed ee xadka.

Maxkamadda ayaa waxa ay go’aankaasi ku meel marisay shan cod halka afarna ay diideen, waxaana ay sidaa maxkamaddu ku hor istaagtay xukun uu riday xaakimka federaalka ee California kaas oo madaxweynaha ka hor istaagay inuu wax kharash ah ku bixiyo dhismaha darbiga. Darbiga oo kala qeybinaya Mareykanka iyo Mexico, ayaa ahaa ballaanqaadkii ugu waynaa ee ololaha Trump ee doorashadii 2016. Arrintaasi waxaa aad uga soo horjeestay Dimuqraadiyiinta.

Go’aanka ay Maxkamadda ugu sarreysa gaartay ayaa waxa uu ka dhigan yahay in lacagta loo isticmaali doono mashaariicda darbiga looga dhisayo gobollada California, Arizona iyo New Mexico. Maxkamad ku taal California ayaa waxa ay ku doodday in Kongareesku uusan bixin ogolaanshaha kharashka loo isticmaali doono dhismaha darbiga. Farriin uu soo dhigay Twitter-ka ayuu Mr Trump waxa uu xukunka ku tilmaamay “guul weyn”.

Jimcihii Mareykanka Guatemala ayaa waxa ay gaareen heshiis dhigaya in muhaajiriinta ka soo kicitinta Honduras iyo El Salvador ee soo marta Guatemala laga doonayo inay halkaas ku hakadaan oo ay marka hore magangalyo waydiistaan, halkii ay safarkooda sii wadan lahaayeen si ay isugu dayaan inay Mareykanka gudaha ugu galaan.

Sidee Xukunka Looga Falceliyay?

Afhayeenka Aqalka Kongareeska Mareykanka Nancy Pelosi ayaa tiri: “Caawa go’aanka ay Maxkamadda ugu sarreysa ee Mareykanka ee Trump u ogolaanaysa inuu dhaqaale ka xado khasnadda milateriga si uu u isticmaalo waa dayacaad, barbiga xadka ee aanan shaqeyn doonin waxaa diiday Kongareeska waana wax aan sax ahayn. Dadkii dalkan aasaasay waxa ay dajiyeen dimuqraadiyad ay dad hoggaan u yihiin ee kama aanay tegin boqortooyo.” Midowga u dooda xuquuqda rayidka ee Ameerika ayaa waxa uu wacad ku maray inuu dacwad ka dhan ah go’aankaasi gayn doono Maxkamadda Racfaanka “si aan u hor istaagno waxyeellada soo socota ee aanan hadhow wax laga qaban karayn ee ka dhalan doonta darbiga xadka ee Trump”.

Mr Trump ayaa bilowgii sanadkan waxa uu ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, isagoo sheegay inuu u baahan yahay $6.7 bilyan oo doolar si uu u dhiso darbi arrintaas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid khusaysa ammaanka qaranka. Sikastaba xaalku ha ahaadee lacagtaas ayaa waxa ay ka yar tahay qiyaastii aheyd $23 bilyan ee la doonayay in lagu kharash gareeyo xadka dhirirkiisu uu gaarayo ilaa 3,200 ee kiilomitir.

COMMENTS