CABAYS.COM
Maydkii Marxuun Cali Khaliif miyaa lagu muransan yahay halkii lagu aasi lahaa?
October 10, 2020 - Written by Cabays

Cabays Media –  (Jigjiga DDS) – Wararka Cabays Media ka soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in uu jiro jawha wareer dul hoganaya goorta iyo halka lagu aasayo marxuun Prof. Cali Khaliif Galaydh oo ku geeriyooday maalintii Khamiistii ee bishan Oktoobar ee 8dii.  Xubno madaxda Soomaalida ah oo ku sugan magaalada Jigjiga ayaa Cabays Media u sheegay in qoyska marxuun Cali Khaliif oo wali ku sugan dalka Maraykanka iyo ehliyadiisa kale oo soo gaadhay magaalada Jigjiga ay isku af-garan laa yihiin halka lagu aasayo.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in maamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida ay soo jeediyeen in lagu aaso magaalada Jigjiga, maadaama ay adag tahay sida loo geyn lahaa marxuunka magaalada Muqdisho oo ay qoyskiisa , siiba caruurtiisa iyo xaaskiisu ay dalbadeen in maydka loogu keeno Muqdisho, halkaas oo ay toos uga tagayaan iyagoo ka imanaya dalka Maraykana.

Qoyska marxuunka ayaa la sheegay in ay ka cudur daarteen codsiga madaxda DDS ee ah in lagu aaso magaalada Jigjiga, taas oo ay ku sobobeeyeen in marxuunka oo u dhintay xanuunka COVID19 qaadista maydka

 

Halkan Taabo si aad u dhegeysato warbixin faahfaahinaysa arinkaas

 

 

WhatsApp Image 2020-10-09 at 2.27.52 PM

COMMENTS