CABAYS.COM
Aas-aasayaasihii Shabakada WikiLeaks oo dunida sir ku qarqin jirtay oo la xidhay 7 sano ka dib – Maxay ahaayeen sirihii caalamka ee Soomaalida ee uu dibada soo dhigay?
April 11, 2019 - Written by Cabays
CabaysLondon-UK (Cabays Media) Xadhiga Julian Assange oo ah mid ka mid ah aas aasayaashii shabakada WikiLeaks oo maanta London lagu xidhay, kadib markii uu ku dhuumanayey safaarada Ecuadorian (Ekwadooriya) waa mid la filayey, hase haatee isweydiintu waa ma loo sii gudbindoonaa dalka Maraykan oo uu ku mudan karo xabsi dheer sobobo la xidhiidha siro ciidan iyo mid dawladeed oo culus oo la xidhiidha habdhaqankii ciidamada Maraykan ee Iraq iyo meelo kale dibada soo bandhay.
Madakamada Westminister Court ee London ayaa la geeyey isla markii la qabtay kadib, waxaana loo furay sii dacwado kala duwan ahoo ay ku jirto sidii loogu dhiibi lahaa dalka Maraykan oo uu faafiyey siro badan oo aan dunido hore u ogayn, isagoo ku daabacay shabakada Wikileaks.
 
Julian Assange ayaa sidoo kale laga doonayaa dalka Sweden oo lagaga soo oogay in uu gabadh ku xoogay, hase ahaatee eetaa uu ku tilmaay mid Maraykan ka dambeeyo si loogu gacan galiyo haddii uu Sweden tago. Jullian Assagane ayaa u dhashay dalkaUstareeliya (Austrialia)  khabiirna ku ah culuunta computerka iyo qaabka loo galiyo macluumaadka.
Qareenada u doodaya Jullian Assange ayaa sheegay in ay si adag ugu dacwoon doonaan, haddii loo gudbiyo dalka Maraykanka in ay filayaan in Dastuurka dalka Maraykan qodobkiisa Ku -darka koobaad ama The First Amendment oo damaanad qaadaya xoriyada qowlka iyo helista macluumadka.
Juliian
Mudo 7 sano ah ayuu ku xanibnaa, kuna dhuumanayey safaarada Ekwadooriya ee London, hase ahaatee isla dalkaas ayaa la sheegay in uu din u soo basaasay, isla markaana qolkii uu guriga safaarada ka daganaa ayaa loogu rikibay qalabka wax lagu dhageysto iyo muuq-baahiyeyaal laga daawado waxkastoo uu qabanayo.  Taas ayaa keentay in ay isku dhacaan dawlada Ekwadoor oo iyadu dibada u soo tuurtay, inkastoo cadaadis weyni ka haystay sidii ay ugu gacan galin lahayd dawlada Maraykanka ama Sweden.
Jullian Assange waa 47 jir ay 7 dobo sano kaga lumeen gabood uu ku jiray safaarada Ekwadoor oo sidoo kale siisay dhalasho, iyadoo ku xumaynaysa dawlada Maraykanka. Hase ahaatee dibada hadda loo soo tuuray ayaa ka dhigaysa mid wax weyn ka badashay rajadii uu ka qabay in uu ka bad baado u gacan galka dawlada Maraykanka iyo dalka Sweden oo kiis la tuhunsanaa in ay dawlada Maraykanka lug ku leedahay.
WikiLeaks waxay sidoo kale ayaa sanadkii 2010kii qortay in ay jireen xubno Reer Somaliland ah oo basaasiin u ahaa Maraykanka, kuwaas oo qaarkood xilal dawladeed ka qabteen xukumadii Daahir Riyaale, halka qaarkoodna xisbiyo doonayeen in ay ka furtaan Somaliland sanadkii 2012kii, kuwaas oo ay ku jireen xubno markii dambe Xamar u baxay ka dib markii WikisLeak qoraal taxane ah oo la odhan jiray Diplomatic Cables oo ahaa qoraalo la soo xaday oo xambaarsanaa fariimo ay is weydaarsadeen diblamaasiyiin dawlado kala duwan oo faraha kula jiray arimaha Soomaalida.
La soco warkaa Julian oo ah mid dunido isha ku haynayso dacwadiisa oo aan nooceedu hore u soo marin.

COMMENTS