CABAYS.COM
Mid Ka Mida Wasiirradii Maamulka Cabdi Iley Oo Masaajid Ka Noqday Mu’addin
April 20, 2019 - Written by Cabays

Jigjiga (Cabays Media)- Nin muddo toddoba sana ah xil wasiirnimo ka soo hayey deegaanka soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa iisu beddelay Mu’aadin msaajid.

Inta badan waxaa dhacda in marka siyaasiyiinta Soomaalidu ay xilalkooda waayaan ay ka tagaan deegaannadooda oo ay aaddaan meelo inta badan aan laga aqoon. Qaarkoodna waxaba ay raadiyaan shaqooyin mushaar fiican leh oo ay kasoo dhacsan karaan noolashooda.

Balse Mustafe Muxumed Cigaal waa uu ka duwan yahay siyaasiyiintaasi. Muddo toddobo sano ah ayuu wasiir ka soo ahaa xukuumaddii madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya haddase waxaa uu mu’addin ka yahay masaajid ku yaalla xaafadda ayar Daga ee magaalda Jigjiga.

Mustafe Muxumed Cigaal oo u warramay wariyaha BBC ee magaalada Jigjiga ayaa sheegay “iney dadkuna fara badnaayeen xubnaha dowladdana aad ay u badnaayeen oo wax dambi galay iyo wax aan dambi gelinba ay isugu jireen”.

“Anigu waxaan isleeyahay toddobadii sano ee aan dowladda ka tirsanaa oo aan wasiirka cabashooyinka ka soo ahaa qalbiga wixi aan ka nici karana waan ka nacay, wixi aan afka ka oran karana inaan ka iri ayaan aaminsanahay laakiin ismalihi dambi weyn oo aad waaga gashay oo aad ka towbad keneysaa ayaa jira”.

“Inta aan dowladda ka tirsanaa lafteeda waxaan hoosta ka ah muwaaddin salaadda subax masaajid ka aadaama, marka 2012-kii la ii magacaabay wasiirka cabashooyinka oo xilka ii dhiibay haddana hoosta ayaan ka watay oo subaxa iyo xilliyada habeenki waan aadaami jiray” ayuu yidhi

Mar la weydiiyey Mustafe Muxumed Cigaal xilligi uu wasiirka soo ahaa inuu ciidama ilaala ah ay la socon jireen marka waxa uu iska ilaalin jiray xilligaa waxaa uu yiri “Xilliga Cabdi qofki aan ciidan wadan waxaaba la oran lahaa wax kale ayaad aaminsan tahay oo waxaa fududeed in adoo mas’uul ah lagu yirahdo Al-shabaab, ONLF baad tahay baad tahay ama argagixisaad tahay”.

“Adiga oo wasiir ah in lagu xiro god laguugu rido oo aakaharo laguu dhaadhiciyo ayaa ahayd mid aad u fudud, nasiib wanaag waxaan ahay wasiirka keli ah ee toddobada sano ee aan xilka hayey aan la xirin oo jeel ka badbaaday iyada oo ay wasiirrada kale jirin mid aan la xirin ama aan god lagu ridin” ayuu yidhi Mustafe.

“Howsha mu’aadinimada ee aan masaajidka ka hayana wax mushaar ah kuma qaato oo cidna iima magacaabin maadaamaa masaajidka xaafadda aan dagganahay uu ku yaallo, horayan dadki dhisay aan ka mid ahaa odayaasha masaajidkana aan ku jiray, anoo mas’uul ahna aan ku dukan jiray xilka markaan ka tagayna waxaan iska sii watay mu’addinimadeeyda”.

“Dadku wey iigu hambalyeeyaan marki ay dowladdi aan ka tirsanaan burburtay oo raggi aan wada shaqeeyneynay ay dibadaha u kala carareen aniguna aan masaajidka imaamnimadaydi ka sii watay shacabka aad ayey iigu soo dhaweeyaan iyaga oo yirahda ilaahaa ku jecel mar haddii aad masaajidka meel u dhaafin adiga oo aan wax dakana ah gelinna dadkaagana aad la nooashahay”.

Mustafe Muxumed Cigaal waxaa kale uu sheegay “inta uu xilka hayey lafteeda inuu masaajidka ku xirnaa uu nadaafadda masaajidka ka shaqeyn jiray, masaajidka ilaalin jiray, gaariga xaafiskana jameecaadka, dadka masaakiinta ee xanuunsanna, iyo Culimadaba uu ku qaadi jiray weligiiba uu hoosta diintiisa ka wadan jiray”.

“Dadku inta badan marka ay madaxtinimada ka degaan waxbadan ayaa ku soo fakada ama culeys ayay dareemaan aniga haba yaraatee wax dhib ah lama kulmin dadkeyga ayaan ku dhex jiraa waxaanna ahay mas’uulka keli ah oo isaga oo koofi cad dadkiisa ku dhex jiro wax dakana ahna bulshada aan ka gelin.”

“Soomaalida waxay tidhahdaa ‘Si xun u socde si xun buu u dhiman’ aniga weligeeyba hoosta unban adkaarteyda ka watay oo aan ayad kursigeeyga ka akhrisanayey.”

Halka ay wasiirradi aan wada shaqeeynayey ee ila mid ahaa kuwoodi jigjiga ku sugan ay isgaabinayaan oo ay aad u soo bixin anigu alx ilaaheey waa ii nimceeyey oo mu’addinnimadeeyda ayaan iska sii wataa.

“Xilka ka horba aniga oo aan shaqo hayn oo mushaar la’aan ah ayaan noolaa haddana waa noolahay oo risqiga Allah ayaa bixiya haddana sida dadku u nool yahay ayaan u noolahay ninka haddi uu dhulkiisa joogaba baahiba ma hayso.”

COMMENTS