CABAYS.COM
Militariga Sudan oo go’aan kasoo saaray mustaqbalka Cumar Xasan Al-Bashiir
April 13, 2019 - Written by Cabays

Khartoum (Cabays Media) – Ciidanka Milatariga ee dalka Sudan ee Awoodda xoogga kula wareegay ayaa soo saaray war kale oo ay kaga hadlayaan Xaaladda Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Cumar Xasan Al-Bashiir.

Saraakiisha Ciidanka waxa ay sheegeen in Xaaladda ay degan tahay, waxaana ay ugu baaqeen dadka Shacabka in ay muujiyaan tanaasul islamarkaana ay ilaaliyaan Hantida iyo Ammaanka Suudaan.

Janaraal Cumar Zeyn Al Caabidiin  Madaxa guddiga siyaaasadda ee militariga Suudaan ayaa sheegay in Cumar Al Bashiir lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka isla markaasna aysan tarxiili doonin.

Waxaa uu sheegay in madaxweynihii xilka laga tuuray Al Bashiir uu hadda gacantooda ku jiro.

 “Bashiir waxaa lagu maxkamadeyn doonaa gudaha dalka” ayuu yidhi Cumar Zeyn Al Caabidiin.

Waxaa uu intaasi ku daray in muwaadin kasta oo reer Suudaan ah oo dambi galay aanan la horkeeni doonin maxkamad shisheeye ah inta ay golaha militariga ay hayaan awoodda dalka.

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa ku eedeeysay Al Bashiir inuu dambiyo dagaal ka geystay gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

COMMENTS