CABAYS.COM
Minneapolis  Haweenay lagu ganaaxay $500 hal xabo tufaax awgiis
April 23, 2018 - Written by Cabays

Haweenay lagu magacaabo Crystal Tadlock kasoo duushay magaalada Paris ayaa markii ay ka degtay garoonka Minneapolis ee dalka Maraykanka waxaa boorsadeeda laga heley xabad tufaax ah.

Kadib ciidamada adeega furdada ayaa ku ganaaxay haweenaydan $500 lacag ah, maadaamaa aysan ka bixinin canshuurtii ku waajibtay.

Waxa ay sheegtay in tufaaxan laga dhex siiyay diyaarada Delta dhexdeeda, wuxuuna qeyb ka ahaa cuntadada diyaaradda lagu dhex qeybiyo.

Saraakiisha furdada ayaanan wali ka hadlay dhacdadan, balse wax kasta oo ka mid ah wax soo saarka beeraha waa in qofka uu sheegaa waxa uu wato

Hadda haweenaydan waxa kala xulan kartaa in ay bixiso ganaaxa ama in ay maxkamad dood geyso.

Afhayeenka shirkadda Delta ayaa ka gaabsaday waxa dhacay in uu ka hadlo, balse war kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in ay dhiirogalinayaan in macaamiishooda ay waafaqaan shuruucda laanta furdadaha Maraykanka.

COMMENTS