CABAYS.COM
Mishiinka Lagu Baadho Xanuunka COVID. 19 Oo La Gaadhsiiyay Laasocaanood
September 13, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) –  Wasaaradda caafimaadka Somaliland,  ayaa m cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood ka daah-furtay Mishiinka lagu baadho xanuunka Covid-19.

Waxaana Mishiinkaasi si rasmiya xadhiga uga jaray wasiiarrada arrimaha dibadda, warfaafinta ee Somaliland, isuduwaha wasaaraddà caafimaadka ee Sool.

 

 

Badhasaabka gobolka Sool, agaasimaha cusbitaalka Laascaanood iyo masuuliyiin kale.
Isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay Miishankan lagu baadhayo caabuqa Coronavirus ee la soo gaadhsiiyay cusbitaalka Laascaanood .Waxaannu bogaadiyay in gobolka Sool uu hello Mishiinkan lagu baadhi xanuunka Covid-19

 

 

Cabays news.com

COMMENTS