CABAYS.COM
Muddo 28 Sannadood Ah Baaqii Ugu Horreeyay Ee Beesha Harti Waqooyi U Soo Jeediso Shacabka iyo Xukuumadda Si Loo Daaweeyo Tabashadeeda
July 1, 2019 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)– Shir ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Harti Waqooyi oo shalay, 30/06/2019, ku qabsoomay Huteelka Cali Jirde, Hargeysa, ayaa lagaga dhawaaqay Baaqa Harti Waqooyi kaasoo ka tarjumaya tabashada Beesha ee sida ay sheegeen soo jiitamaysay muddo aad u dheer oo ay kala dhaxleen xukuumadahii kala danbeeyay ee JSL.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen wasiirro hore, xubno door ah oo ka socday Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Odayaal Dhaqan, Ganacsato iyo Aqoonyahanno, waxaa hoggaaminayay Dr. Cali Khaliif Galaydh, iyo Mudane Axmed Xaaji Cali Cadane Wasiirkii Gashaandhigga ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ahaana Guddoomiyaha ugu horreeyay ee Komishanka Doorashooyinka ee suurta-geliyay doorashooyinkii ugu horreeyay ee ka qabsoomay Somaliland.

Baaqa Beesha Harti Waqooyi, isagoo dhammaystiran waxaa uu u dhignaa sidatan:-

Mudada u dhexeysay 24/03/2019 ilaa 26/6/2019, Beesha Harti Waqooyi waxaa ay ku kulantay shirar teel teel ah. Haddaba, Guddiga Farsamo ee Harti Waqooyi iyagoo la kaashaday waxgaradka Beesha, dal iyo dibedba, waxaa ay si qotto dheer u lafo-gureen danahooda guud, duruufaha ku gedaaman Goboladooda, iyo masiirka Beeshooda. Guddigu, waxaa uu si cad u qiimeeyay siyaasadda xukuumaadda Madaxweeyne Muuse Biixi Cabdi. Waxaana uu si adag uga dooday dabaylaha ka dhacaya Geeska Afrika iyo saamaynta ay yeelan karaan. Sidoo kale, waxaa uu is kor taagay isbedellada siyaasadaha degaamaysan (Geopolitics) ee ka aloosan Geeska kuwaasoo horseedi kara in ay dhalan-rogaan dhaqan-dhaqaalaha, nabadda iyo siyaasadda Geeska Afrika. Haddaba;

Beelaha-Harti2

Guddiga Farsamo ee Beesha Harti Waqooyi;

Markii ay aqoonsadeen khayraadka badan ee ceegaaga degaanadooda, sida tamarta shidaalka, macdnaha kala duwan, cimilada degaanadooda ee ku habboon xoolaha nool, kalluunka, beeraha, duurjoogta iyo dalxiiska; Guddidu waxaa ay garowsadeen in ay Beeshu ka gaabisay saami ku qaadashada tirada dadkeeda, bedka degaamadeeda, istaratajiydda dhulkeeda, iyo khayraadka goboladeeda taasoo la gaadhay xilliggii lagu xisaabtami lahaa, laguna intifaaci lahaa iyagoo Beesha ku la taliye in laga hawl galo maalgashiga iyo horumarintii dhulkooda;

Markii ay arkeen sida shacabka Bariga Sanaag, Buhoodle iyo Sool uga gows qabsaday gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo ka biyo-diiday saamiga looga qoondeeyay qaranka, duudsiga ragaaday, iyo sida ula kaca ah ee xukuumadahii kala danbeeyay u dhalan rogeen sooyaalkii, miisaankii iyo astaamahii Somaaliland;

Markii ay ogaadeen sida ay u adag tahay helitaanka Somaaliland dhammaystiran iyadoo aan la soo sugin xuduudaha dalka taasoo aan suurtagal ahayn haddii aan la helin cadaalad, saami qaybsi iyo xaqsoor ay ku qancaan shacabka Harti Waqooyi ee ku teedsan soohdimaha Bari ee Somaaliland;

Sidaa Awgeed, Guddigu waxaa uu soo gudbinaynaa aragtida iyo baaqa Beesha Harti Waqooyi annagoo ku rajo weyn in uu ka tarjumo tabashada Beesha, danta Somaaliland iyo hanashada xukuumad iyo maamul loo dhan yahay oo lagu heli karo dal nabad ah, dad walaalo ah, sinnaan, horumar iyo Qaran la jaan qaada waa’ga cusub.

BAAQA HARTI WAQOOYI

1) Si loo xaqiijiyo cadaalad iyo awood qaybsi sugan, waxaa aan u soo jeedinaynaa Xukuumadda in ay fuliso heshiiskii distuuriga ahaa ee Xukuumadda JSL iyo Maamulka Khaatumo, Caynabo, October 2017. Heshiisku waxaa uu xal dhab ah u yahay daaweynta tabashada ka jirta Gobolada iyo Beelaha Darfaha.

2) In la soo dedejiyo saami qaybsi ay ku qancaan Beelahu. Runtii, meelmarinta qoddobada masiiriga ah, waxaa ay saldhig u noqon doonaan dhismaha qaran iyo xukuumad hanata kalsoonida shacabka. Fulinta qoddobadaas waxaa ay sahli doonaan in si toos ah maamulka hoos loogu daadejiyo Gobolada iyo Degmooyinka Beesha Harti Waqooyi, taasoo suurtogelin doonta isdiiwaan gelin dhammaystiran iyo hirgelinta doorashooyin xalaal ah oo ka qabsooma dalka.

3) Si loo taabbo-geliyo maamul daadejin dhab ah, waxaa shardi ah in loo cuskado tiirarka bud-dhigga u ah sida, 1. Go’aan Daadejin (Political devolution), iyo 2. Maamul Daadejin, (Administrative decentralization). Degma kasta waa in ay hesho maamul-daadejin buuxda, isku-tashi, iyo saamiga uga qorshaysan Miisaaniyadda Qaranka sida ku cad Qorshaha 2aad ee Qaranka (2017-2022) ee qorsheynta, odoroska iyo diyaarinta Miisaaniyadda Qaranka.

4) Inta laga gaadhayo meelmarinta qoddobada kor ku xusan, Madaxweynaha JSL waxaa aan u soo jeedinaynaa in uu si degdeg ah ugu dhiirrato fulinta saami ay Beeshu ku qanacdo ee dhinacyada Golaha Xukuumadda, Maamulka, Hay’adaha, Horumarka, Safaaradaha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Qaranka.

5) Waxaa aan ku talinaynaa in dib loo soo nooleeyo wada-hadalada iyo kullamada Odayaasha Dhaqan, Culimada iyo Aqoonyahannada Gobolada Bari ee dib u dhaco ka jiro, taasoo keeni doonta xoojinta iyo joogteynta iskaashiga dhinacyada nabadgelyada, horumarinta, ganacsiga iyo siyaasadda.

6) In la abuuro hay’ad ama hay’addo ay ku dhan yahay shacabka Gobolada Bari si looga wada shaqeeyo samofalka iyo horumarinta Gobolada Bari. Hay’addu waxaa ay ka qayb qaadan doontaa nabadaynta, diyaarinta iyo fulinta mashaariicda gurmad, kuwa horumarineed, soo jiidashada maalgashi, fududaynta ganacsi iyo sidii goboladaas looga samato-bixin lahaa go’doominta caalami ee xilligan saaran.

7) Waxaa aan walaac ka muujinaynaa duruufaha cusub ee ku soo kordhay Bariga Sanaag taasoo loo aanaynayo siyaasadaha gurracan ee xukuumaddu ku maamulayso Gobolka, sidaa awgeed waxaa aan kula talinaynaa xukuumadda in ay la tashato waayeelka iyo waxgarada degaankaa.

8) Waxaa muuqata baahi weyn oo loo qabo shirweyne waxgaradka Beesha Harti Waqooyi kaga tashadaan aayahooda. Sidaa darteed, iyadoo lala kaashanayo Isimada, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha, waxaa aan soo sheegi doonaa muddaynta iyo madasha Shirka Beesha Harti Waqooyi oo ku qabsoomi doona degaamada Bariga Sanaag, Buhoodle iyo Sool.

9) Waxaa aan ugu baaqaynaa Beelaha Somaaliland iyo Xukuumadda JSL in laga wada shaqeeyo Nabadda, Isxurmaynta, Wada-tashiga, Wax-wada-lahaanshaha, iyo Horumarka taasoo ah tubta keliya oo aan ku wada gaadhi karno QARAN taabbagal ah oo ka mid noqdo Bulshada Caalamka.

Halkan Ka Daawo Hadalka Siyaasiyiinta Beelaha Harti:

COMMENTS