CABAYS.COM
MURUGO: Xiddigii Xulka Gobolka Gabiley Iyo Kabtankii Gaashaan Ee CARAB Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur
December 24, 2018 - Written by Cabays

Cabays.media (Hargaysa)

Allah haw naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday kabtankii kooxda kubadda cagta ciidanka Booliska Somaliland ee Gaashaan, sidoo kalena ahaa goolhayaha xulka gobolka Gabiley, Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (Carab).

Allah haw naxariistee, Cabdirisaaq ayaa waxa uu xalay gaadhi ku jiidhay magaalada Hargeysa xilli uu kusii socday gurigiisa oo ku yaalla badhtamaha magaalada, waxaana uu dhaawac culus kasoo gaadhay madaxa.

Sida ay dhakhaatiirta Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa u xaqiijiyeen shabakadda ciyaaraha Cadalool, marxuumka ayaa waxa uu dhaawac culus kasoo gaadhay gaadhay madaxa oo uu dhiig hoos ugu noqday, waxaana markii dambe loo gudbiyey cusbitaalka Royal ee isla magaalada Hargeysa oo uu saaka ku geeriyooday.

Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (Carab) oo ahaa ciyaartoy akhlaaq badan oo cibaado badan, ayaa waxa meydkiisa la geeyey cusbitaalka Hargeysa, halkaas oo uu ku jiri doono inta dhinacii watay gaadhiga jiidhay iyo ehelladiisu ka heshiinayaan.

Marxuum Cabdirisaaq ayaa ahaa goolhayihii xulka gobolka Gabiley ee ciyaarihii gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkii 2016, sidoo kalena waxa uu ahaa kabtankii ugu dambeeyey ee kooxda heerka koowaad ee ciidanka Booliska ee Gaashaan.

Tababaraha Kooxda Gaashaan Jamaal Jante iyo ciyaartoyahannada naadiga oo qaarkood shabakadda Cadalool la xidhiidhay ayaa tacsi u diray qoyska uu ka baxay iyo bahda ciyaarahaba.

COMMENTS