CABAYS.COM
Musharax C/raxmaan M. C. Cirro ma lagula xisaabtami karaa mudadii uu hogaaminayey Golaha Wakiilad JSL
October 5, 2017 - Written by Cabays

CabaysDood furan: Saddexda musharax ee madaxweyne u ordaya doorashada Jam. Somaliland ee sanadkan 2017 dhamaantood waxay ahaayeen kuwo dibada ka ah xukumadii 7da sano hogaanka dalka haysay, Waa xukumada uu hogaaminayo madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xulkii uu doortay ee wasiirada iwm ka koobnaa, Xukumadaasi waa tii dib u furtay xisbiyada ee suurto galisay in xisbiga Waddani ka mid noqdo 3da xisbi Qaran ee JSL ka dib markii uu doorashadii deegaanada tiro xisbinimo ka dhigitay uuu helay, isla markaana uu galay kaalintii xisbigii UDUB oo noqon lahaa ka saddexaad, haddii Waddaxni aanu soo bixin.

Hase ahaatee ururkii Waddani ee noqday xisbiga waxa ilaa aas aaskii hogaaminayey gudoomiye C/raxmaan M. C/laahi Cirro oo sidoo kale ahaa gudoomiyhii Golaha Wakiilada JSL oo uu mudo 12 sano ah gudoomiye ka ahaa, isagoo asal ahaantiina kursiga gduoomiyenimo ee Golaha Wakiilada uu ka helay xisbiga UCID oo uu hogaamiyey garab ka go’ay ka hor intii aanu Waddani xisbi noqon.

Haddab gudoomiyenimadii Golaha Wakiilada JSL ee C/raxmaan ahaa 12 sano waxa jirta laba aragtiyood oo laga kala bixiyo. Waxaya kala yihiin.

* Aragtidad dhaliisha Musharax Ciro:

Musharax C/raxmaan waa siyaasi la soo tijaabiyey mudo 12 sano ah oo gudomiye ka ahaa mid ka mid ah hay’adaha dawliga ah ee ugu muhiimsan JSL, waa Golaha Wakiilada oo ah hay’ada dejisa sharciyada, lehna gudiyo xisaabiya xukumada, sida Gudida Arimaha Amniga, Gudida Dhaqaalaha, Gudida Hanti-dhawrka Golaha Wakiilada iwm.
Aragtida dhaliisha gudoomiyenimadii Ciro uu 12ka sano uu ahaa waxay sheegtaa in Musharax Cirro uu yahay nin la soo tijaabiyey 12 sano oo uu Golaha Wakiilada hogaaminayey, hogaamintiisuna ay aad u liidatay, isla markaana aan Golaha Wakiilada sidii ay ahayd u soo hogaamin. Waxa kaliya ee mudaa 12ka sano ahayd Golaha Wakiiladu dalka u ansixiyeen ilaa 54 qodob-sharci oo kali ah, waxa kale oo hogaamintiisu keentay in Goluhu noqod fadhiid aan ka shaqaysiin gudiyadii Golaha ee bulshada ula xisaabtami lahaa xukumada Axmed Siilaanyo,. sidaa darteed waa siyaasi la soo tijaabiyey oo aan qaranka oo dhan aan lahayn karti uu ku hogaamiyo.
Argtidani waxay sheegaysaa in uu Musharax Cirro aanu hogaamin lahayn, maadaama uu 82 xubnood oo uu ku jiro hagi kari waayey, xukumaduna wax kasta ay marsatay. Isku hayntii xilka gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo ta Xisbiga Waddani waxay muujisay sida aanu u ahayn siyaasi toolmoon oo badhiidhihiisa muujin kara. Taasina waxay muujisay sawir ah in uu yahay hogaamiye jilicsan, oo tudhaale u noqday xukumadii siisay fursada xisbiga Waddani kaga mid noqday saddexda xisbi Qaran ee JSL.
…………………………………………………………………………………………

“Argtida bari-yeesha Musharax Cirro:

Musharax Cirro waa nin degan oo aan habkii uu Golaha Wakiiladu u shaqeeyey waxa eed ah ku lahayn, maadaama aanu isagu awood u lahayn, waxna u yeedhin karin. Khaladaadkii Golaha Wakiilada ee mudadii uu hogaanka hayeyna wax eed ah kuma laha waayo Goluhu sharci-dajin uun buu yahay, markaa xukumada kuma ilaalin karayn ama kuma xisaabin karayn wixii sharci jabin ah, sida wixii musuqmaasuq dhacay, sida hanti lunsiga iwm. Musharax Cirro lagulama xisaabtami karo 12kii sano ee uu hogaanka hayey, waayo xukumada kama tirsanayn. Mudadii uu hogaaminayey GW waxa uu muujiyey dulqaadnimo iyo degenaan badan.
………………………………………………………………………………………..

Labada aragtiyood waa kuwo sida ay xambaarsan yihiin lid isku ah. Ta Musharax Cirro taageertaa waa mid soo koobta dhaliisa, halka ta dhaliishuna tahay mid faahfaahisa dhaliila uu yeelan karo.

Haddaba musharaxa xisbiga Waddani C/raxmaan M. C/laahi Cirro ma yahay mid aan lagula xisaabtami karin wax-tarkiisii ama wax-yar-tarkisii, iyo wixii ka xumaaday Golaha Wakiilada mudadii 12 sano ahayd ee uu hogaaminayey. Mana tahay tijaabo ahaan lagu qiyaasi karo hogaamintiisa qaran?

Fadlan si hufan doodaada u dhiibo. Wixii qoraal ah ku soo hagaaji ciwaankan: editor@cabays.com

Waddani Khalad

Afeef: Qoraalkani ma aha mid ujeedo aragti-ururin ka badan mid wata, mana aha mid ku xumaynaya hadba dhankii sifo khaldan u qaata in ayaga loola jeedo. Waase eegis aragtiyaha kala duwan ee laga qabo musharaxiinta u taagan doorashada JSL 2017.

Musharaxa madaxweyne ee UCID isna waan u soo soconaa aragti yahay lidka ku ah iyo kuwa lagu taageero intaba in aynu ka doododno. Insha Allah.

COMMENTS