CABAYS.COM
Musharaxii xilka madaxweynaha ee xisbiga Waddani oo Nairobi u baxay – muxuu ka doonay?
December 2, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:- Sida ay Cabays Media u xaqiijiyeen xubno ka tirsan xisbiga Waddani, waxa dalka Kenya caasimadiisa uu ugu baxay si aan a shaacin ama aan saxaafada loo sheegin. Bixitaanka musharaxii xisbiga Waddani, mudane C/raxman Cirro ayaa ahaa socdaal u muqday qarsoodi oo taageerayaasha laga qarinayey.

“Wuu baxay uun shalay oo wuxuu yidhi laba todobaad oo nasasho ah ayaan galayaa, laakin hore nooguma sii sheegin in uu baxayo” Sidaa waxa yidhi xubin Cabays Media u waramay oo codsaday in aan la sheegin magacsiisa.

Socdaalka C/raxman Cirro ee magaalada Nairobi ayaa imanaya xili wali aan la dhaarin madaxweynaha cusub ee la doortay oo ay diideen guushii xibigiisa Kulmiye ku soo saareen. Hase ahaatee bixitaanka C/raxman Cirro dalka dibadiisa ayaa astaan u ah sida ay uga go’an tahay in uu muujiyo sida aanu u aqoonsanayn madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi, inkastoo uu haddana aqbalay natiijadii ay soo saareen Gudida Doorashooyinka Somaliland.

Bixi taanka Musharaxii Xisbiga Waddani ayaan la hubin in uu uga sii gudbi doono dalka Filand oo uu degenaansho ku lee yahay.

Cirr

 

Bixitaanka C/raxman Cirro ayaa la dhanka kale fool xumayn karta caleemo saarka madaxweynaha cusub oo ay ka soo qaybgalayaan wufuud kala duwan oo calaamka ka imanaya. Inskatoo madaxweynaha la doortay kala wareegayo madaxweyne ay isku xisbi .

Socdaalka Cirro ayaa isha lagu haynayaa bal in uu dalka Kenya kulano kula qaato magaalada Nairobi wadamada Somaliland ka caawiya doorashada oo iyagu ku qanacsan natiijadii keentay in xisbiga Kulmiye guulaysto.

 

COMMENTS