CABAYS.COM
Muwaadiniin Soomaali ah oo Lagu Dilay Maraykanka.
April 25, 2018 - Written by Cabays

Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Columbus  ee Ohio lagu dilay C/laahi Saciid Shariif iyo Cabdi Khaaliq Saciid Maxamed oo ka tirsan Soomaalida ku nool Maraykanka.

Labadan Wiil ee Dhalinyarada ah  ayaa lagu dhax dilay Gaadhi ay wateen iyaga oo ku sugan Magaalada Columbus  ee Dalka Maraykanka.

Ciidamada Amaanka ee Magaalada  Columbus ayaa wada Baadhitaan lagu raadinayo dadkii weerarkaasi ka dabneeyay ilaa iyo hadana laguma  guuleysan in la soo qabto dadkii dilkaas ka dambeeyay.

Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ayaa ku baaqay in arintaan la daba galo waalidiintana ay il gaar ah ku eegaan Carruurtooda.

COMMENTS