CABAYS.COM
News Somali BBC News Somali Navigation Qaybaha George HW Bush madaxweynihii hore ee Mareykanka oo geeriyooday
December 1, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media 

George W Bush ayaa geeriyooday sacadda dalkaasi marka ay ahayd 22:10 oo ku beegneyd saaka wakhtiga bariga Afrika. sida uu sheegay afahayeen u hadlay qoyska.

Wuxuu ahaa madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka sanadihii 1989-kii iyo 1993-dii.

Xilliggii uu ka talinayay Mareykanka waxaa lagu tiriyaa markii uu soo afjarmay dagaalkii qaboobaa iyo dagaalkii ugu horreeyay uu Mareykanka ku qaaday madaxweynihii Ciraaq Saddaam Xuseen.

Sanidiihii u dambeeyay xaalad caafimaad darro ayuu la il darranaa balse waxaa uu suurogashay inuu kasoo dhex muuqdo bulshada.

Bishii April,waxaa la geeyay isbitaal ,waxaana la sheegay inuu qabay xannuun dhanka dhiigaha ah.

Xaaskiisa, Barbara ayaa toddobo bilood ka hor geeriyootay.

George Bush Jr oo isagana noqday madaxweynihii 43-aad ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in aabihiisa uu geeriyooday isla markaasna sheegay inuu ahaa aabe wanaagsan oo lahaa dabeecad.

COMMENTS