CABAYS.COM
Nin Dhalinyaro ah oo ku soo labistay calankii Somalia oo boolisku dil ka badbaadiyeen Hargeysa
May 14, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Hargeys JSL) – Magaalada Hargeysa ayaa goob ka mid ah suuqa waxa ciidanka JSL ka badbaadiyeen nin dhalinyaro ah oo ku soo labistay dhar muujinaya astaanta iyo calanka Somalia oo uu la mushaaxayey suuqa. Wiilkan dhalinayrada ah ayaan la garanayn waxa uu uga jeeday iyo in ay cid kale ka dambaysay dharka calanka Somalia ee uu suuqa ku soo galay.

Muuqaal sawir iyo fiidyow oo muujinaya wiilka oo dadweyne ku buuqasan yihiin , dadka qaarna ay aad moodo in ay ku gadoodsan yihiin, ayaa waxa u soo gurmaday laba askari, kuwaas oo ka xeeyey, iyagoo xaga saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ula lugeeyey.

Ilaa hadda lama aqoonsan magaciisa iyo in uu yahay wiil dhalasho ahaan Somaliland ah iyo in kale. Hase ahaate dad dhanaka baraha bulshada kaga hadlay ayaa sheegay in wiilku u badheedhay in uu dhar calanka Somalia ah suuqa ku mushaaxo.

Waa markii ugu horaysay ee qof calanka Somalia xidhan lagu arko isagoo suuqa magaalo Somaliland ah dhex maraya oo ay booliisku soo qabtaan. Waxa la eegaa bal in maxkamada la keeno ama la sii daayo.

La soco halka warka wiiilkaasi ku dambeeyo.

Dambiile

COMMENTS