CABAYS.COM
Nin Soomaali ah oo loo haystay dacwad in uu inan uu dhalay guday/xalaaleeyey oo dacwadii burburtay dalka UK
February 23, 2018 - Written by Cabays

Cabays
Cabays Media:-

Dacwad-xakamadeed oo loo haystay nin Soomaali ah in uu inan uu dhalay guday/xalaaleeyey ayaa burburay. Nin qoomiyadiisu tahay Soomaali oo degan magaalada Bristol ee dalka UK ayaa maxkamad la horkeenay shalay ka dib mudo laba sano ah oo dacwad loo haystay la hokeenay maxkamada.

Kiiska maxkamada ayaa la keenay shalay ninka Soomaaliga ah oo dadiisa lagu sheegay 29 jir isagoo loo haysto in uu ku fuliyey inan uu dhalay oo 6 jir ah ficil ah in uu saro qayb ka mid ah cawradeeda hoose ee dumarnimo. Dacwadan oo ay ku soo oogeen urur la dagaalama ku dhaqanka -Caadada -Fircooniga ah ee hablaha iyo dumarka lagu sameeyo, kaas oo kiiska keenay kadib markii ninkan Soomaaliga ah oo ku shaqeeya wadida gaadiidka dadka qaada ee la yidhaa Uber-ka uu uga sheekeeyey gabadh ka mid ah ururka la dagaalama ku dhaqanka Qodobka-Fircooniga ah in uu inan yar oo uu dhalay uu xalaaleeyey, kadbina ay u dalbatay ciidamad booliiska ee magaalada Bristol,  iyadoo ku eedaysay in uu waxyeeleey inantiisa

Xaakinka qaadayey dacwada ayaa u gudbiyey dad darsa dacwada, dhegeystana eedaha iyo is difaaca ninka Soomaaliga ah, waxaana xaakimka ay u gudbiyeen in dacwada loo haystaa ninka Soomaaliga ahi ay tahay mid aan is-haysan oo aan eeduhu is qabanayn, hase ahaatee arinka lagu soo oogay ninka Soomaaliga ah ayuu ku sifeeyey mid ‘Dhibaal ah’

Ciidamad booliiska magaalada Bristol ayaa ku oogay ninka Soomaaliga in uu galay dambi ah in uu si axmaqnimo oo aan arxan lahayn u ogolaaday in inanta uuu dhalay , kadin markii haweenay u ololaysa la dagaalanka Qodobka Fircoonoga ah ay booliiksa ugu yeedhay ninka Soomaaliga ah oo isagu afkiisa uga sheegay in uu inantiisa waxaa ku sameeyey.

Hase ahaatee xaakimka dacwada dhegeysanayey ayaa sheegay in dacwada lagu soo oogay ninka Soomaaliga ah ee dhalay gabadha yar aanay is qaban warbixinada caafimaad ee laga diyaariyey ficil-ka lagu eedeeyey in uu ku sameeyey ninka Soomaaliag ahi inantiisa ee qodobka Fircooniga, waxaanu yidhi “Yartu marna ma qiran in la waxyeeleeyey”

Dacwadan ayaa noqon lahayd tii ugu horaysay ee cid lagu maxkamadeeyo  mudo 30 sano oo ay ka soo wareegtay markii dalka UK laga madnuucay ku samaynta Qodobka Fircooniga hablaha iyo dumarka ku nool dalkan UK.

Haweenaydii dacwada waday ee dhanka booliiksa Bristol, Leanne Pook, Avon ayaa tidhi “Ujeedadu xagayaga waxay ahayd in aanu ilaalino, difaacno caruurta nugul ee ficilo xun loo geysto”

“Waxa aan samaynay laba sano oo baadhis adag ah oo ay ku lamaan yihiin taageerada hay’ado aqoon buuxda u leh, taas oo macluumadkii keentay in maxkamad Crown Prosecution Service, waxaan maxkamadu ogolaatay in dacwad lagu soo oogo”

Booliiska iyo kooxaha la dagaalama Qodobka -Fircooniga ah ayaa xukunkii maxkamada iyo burburkii dacwada sheegay in ay halkii ka sii wadi doonaan si ay u hubiyaan in aan lagu samayn hablaha iyo dumarka halis u ah in Qodobka Fircooniga ah lagu sameeyo.

DCI Pook warned that FGM is a deeply entrenched practice and says it is being committed in the UK right now 

Dambi baadhe Marwo PookDCI Pook waxay ka digtay in uu jiro halista isticmaalka Qodobka Fircooniga ah oo ay bulshooyin kala duwan dalka UK ku sameeyaan si qarsoodi ah. 

Xaakimkii dacwada kala tuuray

Xaakimkii dacwada kala tuuraDCI Pook waxay ka digtay in uu jiro halista isticmaalka Qodobka Fircooniga ah oo ay bulshooyin kala duwan dalka UK ku sameeyaan si qarsoodi ah. 

Dacwadan ninkan Soomaaliga ah ayaan ahayn tii ugu horaysay ee waalid Soomaali ah lagu eedeeyo, hase haatee sanadkii 2014kii ayaa markii ugu horaysay dacwad ka dhan ah dhakhtar la yidhaa Dr. Dhnuson Dharmasne oo ka soo jeed Afrika lagu eedeeyey in uu ku sameeyey Qodobk-ka Fricooniga ah gabadh Reer Afrika ah oo ku umushay cusbtitaalka Whittington ee Waqooyiga London. sanadkii 2012, taas oo ururinta markhaatiyada iyo qodobada dacdau qaadatay mudo laba sano ah.

Hase haatee dhakhtarkaas laguma helin dambi, dacwadiisiina wey burburtay. Sidoo kale aabo Soomaali ah oo degan London, gaar haan xaafada Holloway, kaas oo lagu soo oogay in uu dalka UK dibada uga saaray geeyeyna dal Afrika ah oo uu ku sameeyey qodobka Fircooniga ah inan yar oo uu dhalay, hase haatee dacwadaas ayaa burburtay iyaguna kadib markii wax cadaymo ah lagu waayey, maadama inanta yar aanu ku samayn wax qodobobo ah cawradeeda.

Dadka ka soo jeeda dalalka Geeska Afrika iyo qaar ka mid ah Afrikada kale ayaa aad loo eegaa waalidiinta in ay hablaha ay dhaleen kula kacaan Qodobka Fircoonoga ah, waxaana badi la tuhmaa waalidiinta u saara dalalka ay ka so ojeedaan xiliayda fasaxyada.

Cabays Media

London, UK

COMMENTS