CABAYS.COM
Ninka Ugu Dhaw Xilka Ra’iisal Wasaarenimo Ee Dalka Ingiriiska Ayaa Ballan Qaaday In Uu Xidhiidh Adag La Yeelan Doono Donald Trump
July 15, 2019 - Written by Cabays

Boris Johnson oo ah ninka ugu dhaw in uu noqdo Ra’iisal wasaaraha cusub ee waddanka Britain kadib markii ay dhawaan dalkaasi iska casishay haweenaydii Ra’iisal wasaaraha ka ahayd Tressa May waxa uu sheegay in haddii uu ku guulaysto Aqlabiyadda codadka xisbiga Muxaafidiinta uu wada shaqayn dhaw oo wanaagsan la yeelan doono madaxweynaha waddanka Maraykanka.

Mr. Johnson waxa uu sheegay in xidhiidh ganacsi iyo mid dhaqaale oo adag uu la leeyan doono waddanka Maraykanka oo uu ku tilmaamay saaxiib weyn oo Ingiriisku leeyahay.

Siyaasi Borris Jonhson oo waraysi siiyay Wargeyska Times waxa uu sheegay in labada bilood ee ugu horreeya muddo xileedkiisa haddiiba uu ku soo baxo xilka Ra’iisal wasaaraha in uu u duuli doono dalka Maraykanka lana kulmi doono Donald Trump si uu yidhi uu ugala hadlo xidhiidh dhaqaale iyo ganacsi oo adag oo ay Maraykanka la yeeshaan.

Jonhson oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “dhibaato kasta oo aanu qabno waxa aanu kaga bixi karnaa annaga oo talo kama dambays ah ka gaadhno mustaqbalkeena. Waxaan idiin sheegayaa furaha adduunku maanta waxa uu gacanta ugu jiraa Maraykanka. haddii aanu heshiis ganacsi iyo dhaqaale oo adag la yeelano Maraykanka waxa hubaal ah in wax waliba hagaagi doonaan oo xataa heshiisyo kale iman doonaan. Wali in badan oo adduunka ahi waxa ay ogaan doonaan in aan xagga sare nahay oo aannaan waxba u noqonayn ka bixitaanka Midawga Yurub. Xataa sugi maayo muddoda ka bixitaanta rasmiga ah ee UK ay ka baxayso Midawga Yurub 31-ka Oktoobar. Haddii aan noqdo Ra’iisal wasaare sugi maayo taasi ee Maraykanka ayaan u safri doonaa”.

Dad badan oo faalleeya siyaasadda dunidu waxa ay Jonson ku tilmaamaan nin adadag oo xag-jir ah oo ay is fahmi karaan siyaasad ahaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waana ta dad badan oo reer Ingiriis ahi ka walaacsan yihiin.

COMMENTS