CABAYS.COM
Nuxurka Farriin Madaxweynaha Somaliland U Diray Shacbiga
September 13, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) –  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb-galay munaasibad ay ku qalin-jabinayeen Arday dhamaysatay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa Bulshada u sharraxay khayraadka ku duugan dhulka Somaliland.

 

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu sheegay in Shirkaddaha Shidaal baadhistu tartan ugu jiraan sidii ay u soo saari lahaayeen Shidaalka ku jira deegaanada Somaliland.

 

“Waxaynu u baahanahay inaan ka tashano danteena innaga oo is tilmaamayna, waxaa hubaala tacliinteenu halka aynu doonayno iyo meel u dhow midna inaanay joogin ayaa xaqiiqo ah, dhammaanteen waxaa looga baahan yahay sidee halkaa u gaadhsiinaa, maanta dalkeena inta Banii-Aadamku raadinayo ayaa taalla Cadceedaa ugu wanaagsan oo adduunku kala badh oo badh Cadceed bay la’ayihiin, Ciid wanaagsan bay la’ayihiin, Roob bay la’yihiin intaaba Illaahay waa innagu manaystay, Ilaahay wuxuu innagu manaystay in la hubiyey in dhulkeena Baatrool ka buuxo oo macdanta qaaliga ah ee dahabku ugu horeeyaa meel dhaw oo aan qodis badan lahayn ku jirto oo hubaala, Shirkadaha caalamka oo dalkasta oo adduunka kamida iyo shirkadkasta oo baatrool baadha iyo mid Macdan baadhaba waa ina dul taagan tahay”.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi

 

 

Cabays news.com

COMMENTS