CABAYS.COM
Puntland Iyo Jubbaland Oo Dood Ka Qaba Qodobada Farmaajo Ay Ka Wada-hadlayaan
September 13, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Waxala goordhaweyd xarunta Villa Somalia ka furmay shirkii arrimaha doorashada ee dowladda Farmaajo ah iyo maamul goboleedyada.

Shirka oo 3 jeer horay u baaqday ayaa haatan waxa u dhan madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Madaxweyneyaasha Puntland Siciid Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dood ka qaba natiijada Dhuusamareeb 3 iyaga oo doonaya in qodobo badan wax laga badalo sida kaalinta dowlad goboleedyada, ka qaybgalka xisbiyada siyaasadda iyo xataa iney ururka Xaliimo Yarey qabtaan doorashada.

 

 

 

 

Cabays news.com

COMMENTS