CABAYS.COM
Qaabka ay u kala ciideen Madaxweyneyaasha Muuse Biixi iyo Farmaajo oo muujiyey heerka dawliga ah ee ay kala leeyihiin
June 5, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media – (London- UK) –  Munaasamada xuska maalinta Ciida Fidri oo guud ahaanba laga xuso dunida Muslimka iyo dalalka ay ku sugan yihiin dadka Muslimka ah, ayaa Ciidan sanadka 144o ka ee taariikhda Hijrada ee ku beegantay 3da bisha June ee sanadka 2019-ka, waxa mar kale ay muujisay labada xaaladood ee ay ku kala sugan yihiin Jamhuuriyada Somaliland iyo dalka Somalia, siiba madaxdoodu, gaar ahaan dhanka xidhiidhka mid waliba la lee yahay bulshada hoos timaad maamulkooda dawloga ah.

Hargeysa iyo Muqdisho inkastoo ay ku kala horeeyaan dhismaha aminiga iyo nidaamka dawliga ah in ka badan 28 sano, oo caasimada Somaliland ee Hargeysi haddana muuqaalada ay inta badan  muujiyaan sawirada dhanka Baraha Bulshada (Social Media) waxa madaxda Muqdisho inta badan muujiyaan muuqaal aan dhab ahayn oo si idho- sarcaad  ah ugu talo galeen in ay dunida ugu muujiyaan in madaxda Villa Somalia ay yihiin kuwo xidhiidh toos ah oo wanaagsan la leh shacabka magaalada ay qaybta yar ee ciidamada shisheeye ku ilaaliyaan.

2 Ciid

 

Hase ahaatee waxa jira marar badan oo muuqaalada sawirada ay soo dayaan daaha ka rogaan xaqiiqada ku gadaaman xaaladooda dhabta ah. Waxa soo baxa awood darada iyo sida ay uga xidhiidh furan yihiin shacbiga Muqdisho, marka lagaba yimaad magaalooyinka ogol in ay madaxdooda qaran yihiin.

Ciidan sanadkan ee Ciidul Fidrida, madaxweyne Maxamad Cabdilaahi Famaajo waxa uu soo daayey sawiro ay ku sheegeen in uu la ciiday ciidamada Somalia qaar ka mid ah, waxaanu isku sawiray masjid ku yaala isla xayndaabka Viila Somalia, halkaas oo ay ku garab tukanayaan saraakiil ciidan iyo xubno dawlada ka mid ah.  Kuma ciidin madaxweyne Farmaajo goob shacbi weynuhu ku ciidayaan, sida masaajika weyn ee ugu dhow ka dawlad ahaan ee Isbahaygsiga la yidhaa, kaas oo madaxdii ka horaysay, sida Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekhba kula tukan jireen shacbiga, haba noqdaan ku aad loo soo baadhaye.

Muuqaalka sawirada ciidani xambaarsan yihiin ayaa ah ku xaqiiqada xambaarsan in madaxweyne Farmajo kalsooni ku qabin shacbiga uu madaxweynaha u  yahay, waayo haddii kalsooni jirto, xilayadn oo kale waa kuwa mudan in shabciga uu dhex-galo, muujinayona in uu ka mid yahay. Hase ahaatee taasi ma dhicin, mana dhacayso, waayo xaalada ay diidan yihiin in bulshada iyo caalamku ogaado ayaa u diidaysa in madaxda Villa Somalia la ciidaan dadweynaha Muqdisho.

Amaanka oo aad u liita, kalsooni daro ay ku qabaan ciidamada ilaalada guud ee Muqdisho, iyo tuhuno ay kaqabaan in xubno isla xukumada Farmaajo ka mid ahi gacan-saar la lee yihiin kooxda cabsida ku abuurtay ee Al-Shabaab, waa ta mar walba ku soo ooday madaxda ay ka midka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Khayre.

Taa cakiskeeda, dhanka Somaliland, madaxda iyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ay bulshadooda ula ciidaan si xor ah oo kalsooni badani ka muuqato. Madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweyne kastoo soo mara Somaliland,  waxa uu ka soo baxaa qasirga Madaxtooyada Hargeysa, waxaanu masaafad kabadan 3 kiiloo mitir ugu baxaa Misjid-Jaamaca Hargeysa ee ugu weyn dalka, kaasoo oo ay kumanaan kula tukadaan halkaa maalmaha Ciidaha. Tan waxa u suurto galiyey amaanka meel hoose laga soo dhisay iyo shacab u heelan in ay xukumadooda kala shaqeeyaan ilaalinta nabada ay ku wada caano maalaan madaxa iyo inta madax loo yahay.

Cd

Ciid

 

 

 

 

 

 

Si haddaba u fahmaan shacbiga aamisan in ay jirto dawlada uga talisa Villa Somalia, ulana xisaabtamaan si ay uga gudbaan xaalada kaliftay in madaxdoodii xataa la ciidi kari waayeen, waxa mudan in ay kala saaraan madaalada, xaqiiqo diidka iyo  majaro habaabinta joogtada ah ee aan waxba ka tarin in Muqdisho hesho nabadayn buuxda oo keeni karta in madaxda Villa Somalia ka soo baxaan irida ay ku difaacaan ciidamada shisheeye ee AMISOM, UNISOM iyo kuwa kale ee ootay nawaaxiga gooni ah oo ay ka caagan yihiin shacbiga caadiga ah ee Muqdisho.

 

 

Image may contain: 6 people, people standing and wedding

Madaxweyne Muuse Biixi oo shacabku la ciiidayaan

Madaxweyne Farmaajo oo ciida askar cusub la ciiidaya – shacbiga oo uu ka fogaaday

COMMENTS