CABAYS.COM
Qaar ka mid ah wadamada caalamka oo ku baaqay in la joojiyo colaada ka taagan deegaanka Tukeraq.
May 25, 2018 - Written by Cabays

Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo Dowladaha Belgium, Denmark,  Itoobia, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa walaac ka muujiyay xiisada colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukeraq ee gobolka Sool.

Deegaanka Tukeraq oo ay ku dagaalamayaan ciidamada Soomaaliland iyo Puntland kuwaas oo ilaa bishii January ee sanadkaan isku hor fadhiyay deegaankaasi.

Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD iyo dowladaha kale ayaa ka dalbaday dhinacyada dagaalamaya in ay joojiyaan xiisada colaadeed ee cirka isku sii shareereysa ee ka taagan deegaanka Tukeraq si shuruud la`aan ah, in lakala qaado ciidamada is hor fadhiya iyo ay is dhaafsadaan maxaabiista kala qabsaday.

Waxaa sidoo kale xubnahaan ay sheegeen in xiligaan lagu jiro xili ay jiraan dhibaatooyin adag oo ka dhashay Dabeylaha ku dhuftay gobolada Waaqoy ee Soomaaliya, isla markaana loo baahanyahay in dadkaas loo gurmado, meeshana laga saaro colaada taagan.

Deegaanka Tukeraq ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo la sheegay in uu ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyadii dagaalay, iyadoona maalmihii dambe ay isasoo tarayeen baaqyada lagu dalbanayo in la joojiyo  dhinacyada dagaalamaya.

COMMENTS