CABAYS.COM
Qaramada Midoobay Ayaa Woqooyiga Kuuriya Ku Eedaysay Xatooyada Balaayiin Doollar Ah Oo Internetka Laga Dhacay
August 7, 2019 - Written by Cabays

Pyongyang (Cabays Media)- Qaramada Midoobay waxa ay waddanka Woqooyiga Kuuriya ku eedaynaysaa in ay lacago Balaayiin Doollar ka dhaceen dhinaca Internerka lacagtaasina ay uga faa’iidaysanayaan sidii ay u kobcin lahaayeen awooddooda Nukliyeerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dhacday lacag dhan $2 bilyan oo doolar si ay ugu maalgeliso barnaamijkeeda kobcinta hubka Niyuukleerka sidaa waxa lagu sheegay warbixin warbaahinta la siiyay oo ay Qaramada Midoobay diyaarisay.

Lacagtan ayaa laga dhacay internet-ka, iyada oo la jabsaday akoonnada qaar ka mid ah shirkadaha maaliyadda adduunka, lacagana laga xawishay iyada oo la isticmaalayo khubaro tuugo ah oo ku takhasustay sida loo jabsado akoonada xisaabaadka ah ee Online ka ah.

Illo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in Qaramada Midoobay ay baaritaan ku hayso illaa 35 weerar oo burcadnimo dhanka internetka ah oo ka imanyo dhanka Kuuriyada Waqooyi. Kuuriyada Waqooyi ayaa sii wadda tijaabooyinka gantaalada, iyada hoggaamiyaha dalkaas Kim Jong-un uu sheegay in uu uga gol leeyahay in uu ugu awood sheegto Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed. Warbixinta waxaa diyaariyay guddiga la socodka cunaqabataynta hubka ee dalkaas, waxaana lagu sheegay in dalkan uu ku xad gudbay qodobo badan oo mamnuuc ka ahaa.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa warbixinta UN-ta kadib waxa uu sheegay in uu ugu baaqayo dhammaan dalalka adduunka in ay qaadaan tallaabooyin ay kaga hor tagayaan ficilada Kuuriyada Waqooyi.

COMMENTS