CABAYS.COM
Qarax culus oo ka dhacay duleedka Muqdisho iyo askar ku dhimatay
May 14, 2019 - Written by Cabays

Muqdisho (Cabays Media) – Wararka naga soo gaadhaya Siinka Dheer ee Duleedda Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay qarax culus oo lala eegtay Ciidamada Dowladda.

Qaraxyada ayaa waxaa lala eegtay gaadhi nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Militariga Dowladda Soomaaliya.

Qaraxani waxa uu si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan Isbaarada Shabelle, xilli askartaan ay ka soo laabteen aaska Askari kale oo ka tirsan Ciidamada dowladda oo xalay lagu dilay Muqdisho.

Sida wararka sheegayaan qaraxa ayaa waxaa ku dhintay illa 2 askari oo saarnaa Gaariga kadib markii uu qaraxa qabsaday.

 Sidoo kale waxaa Qaraxa ku dhaawacmay askar kale oo saarnaa Gaariga inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada askarta uu dhaawaca soo gaaray.

Gaariga Cabdi bilaha ah ayaa waxaa soo gaaray bur bur xoog leh oo ka dhashay qaraxa miinada ah ee Ciidamada lala eegtay.

Qaraxa ka dhacay Siinka Dheer ayaa imaanayo saacado kadib markii gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyey lala eegtay Xarunta Degmada Warta Nabadda kaasoo sababa dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalana waxaa burburtay Xaruntii Degmada.

COMMENTS