CABAYS.COM
Qisada Ay Ku Timid Heesta ‘Suleekhaay Aragaagu’:- Qalinka: Cumar Seerbiya
April 15, 2019 - Written by Cabays

CabaysXulka Suugaanta Todobaadkan (Cabays Media) Sannadkii 1968 waxa magaalada Muqdisho guri wada deganaa Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ‘Hadraawi’ iyo afar nin oo ay saaxiibbo ahaayeen kuwaasi oo ay horena uga soo wadaguureen Cadan .

Gurigan ay deganyihiin shanta nin waxa daris la ah guri kale oo ay degantahay gabadh dhallinyaro ah oo jaarnimo aqoon dhaafsiinin ayna ka dhexaynin , afar nin oo ka mid ah ragga guriga degan wuxuu midkasta gaarkiisa indhihiisu u soo jiiteen gabadhan dariska la ah .

Afartooda midna ka kale ma oga arrintiisa , balse maalin ayuu midkood wuxuu qorsheeyey in guriga meel daaqad ah uu ka banneeyo meel yar oo ku beegan guriga gabadha , si uu marmar halkaasi uga eegto, waxayse doodi ka dhalatay ka dib markii ay saddexdii nin ee kale uu midkasta damcay inuu isagu noqdo qofka halkan gabadha ka eegaya .

Abwaan Hadraawi oo arrintan ka sheekeeyey wuxuu xusay in maalin uu roobweyni ka da’ay magaalada ka dibna xaafaddii ay deganaayeen uu Daad badani soo galay , uu arkay afartii nin ee la deganaa oo dhammaantood biyihii ka dhuraaya gurigii gabadha halka kii ay daganayeen ay sidoo kale biyo galeen.

Sheekadii ayaa soo shaac-baxday oo midkasta raggii wuxuu qirtay ay gabdhani ku mudantahay oo uu damcay , habeen habeenada ka mid ah waxay kooxdan oo dhammanatood bahda fanka ahaa ay dhigeen bandhig faneed dad badani ka soo qaybgaleen , dadkii la soo casuumay waxa ku jirtay gabadhii dariska ahayd . isla bandhiggii ayuu hobolkii Axmed Mooge Liibaan oo aan isagu ku jirin afarta nin ee tartamaysay wuxuu ka qaaday heesta “ Suleekhaay Aragaagu nafta waa u samirsiis” heestan oo Abwaan Hadraawi ka sameeyey arrinta ka dhaxaysa gabadha iyo afartiisa saaxiib waxa laxameeyey Bashiir Xaddi Axmed , markii dambena waxa qaaday Maxamed Nuur Giriig, waxayna sifaynaysaa macnaha dhabta ah ee ay saaxiibadii uga dhigantahay gabadhu..

Gabadhii waxay dhuuxday heestan oo ay fahamtay inay iyada ku socoto , markii baraamijkii dhammaaday , ee ay kooxdiina ku laabatay gurigoodii waxay arkeen qof haweenay ah oo fadhida Al-baabka gurigooda laga galo , markii ay la hadleen waxay arkeen inay tahay gabadhii oo saw ay ku dhibicday heestii sidaasina iyadiina lagu saaqay .

Markii ay la hadleen ee sheeko loo dhanyahay lala yeeshay waxay soo jeedisay in afarta nin ee jeclaaday nin looga xulo , Abwaan Hadraawi ayaa ku yidhi “ adigu ka aad rabto la bax” nin ka mid ah ayeyna sheegtay sidii ayeyna ugu noqotay Oori markii dambena Ubad u dhashay oo ilaa maantana ku dhaqan dalka Ingiriiska .
Sheekadan waxa iiga waramay Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdille (Shaacir) oo uu isna Abwaan Hadraawi uga waramay.

 

Halkan hoose ka dhagayso heesta oo uu qaadayo Maxamed Nuur Giriig .

Griig

Halkan hoose ka dhagayso heesta oo Qaaci ah isla Giriig oo qaadaya:

COMMENTS