CABAYS.COM
QORMADA 1AAD: BARASHADA QAARADA AFRICA: WADANKA SOUTH AFRICA
November 26, 2018 - Written by Cabays

 

 

south Africa 1200px-Flag_of_South_Africa.svg

 

Wadanka south Africa ama koonfur Africa waa wadan kuyaalaa afrikada (KOONFUREED).waxaanu xad-lawadaagaa wadamo dhawr ah dhanka koonfureed waxa uu xad-dhan (2,798KM) oo dhanka bada ah lawadaagaa labada badood ee (SOUTH ATLANTIG IYO INDIAN OCEAN), waxaana kutaala barta mucjisada ah ee Qur’aanka ilaahay noogu sheegay (MARAJAL BAXARAYNI) dhanka waqooyina waxa uu xad-lawadaagaa wadamada (NAMIBIA,BOTZWANA,ZIMBABWE,) ,dhanka bari iyo waqooyi barina waxa uu xad-lawadaagaa wadamada (MUZAMBIQUE ,IYO ZWASILAND),waxaanu ku wareegsanyahay boqortooyada (LESOTHO).cape-town-south-aftrica-xlarge

South Africa waa wadanka ugu balaadhan afrikada koonfureed.
South Africa waxa kale ee uu noqonayaa wadanka (25AAD) ee ugu balaadhan aduunka xaga-dhulka.hadaba dadka kunool wadanka south Africa madax-taabsho lasameeyay 2016 waxaa lagu qiyaasay (56 MILLION QOF) waxaanu noqonayaa wadanka 24AAD ee ugu dadka badan aduunka. Hadaba baaxada dhulka south Africa waxaa lagu qiyaasaa(1.22 million km2).
Lacagta laga isticmaalo wadanka south Africa waxa looyaqaanaa(SOUTH AFRICAN RAND)
80% dadka kunool wadanka south Africa waa dad asal ahaantoodii kazoo farcamay sub-sahara Africa.
Waa wadan ay kunoolyihiin qoomiyado kala duwan ,kuwaas oo leh dhaqamo kala jaad ah iyo luuqado kala gedisan. Wadanka south Africa waa wadan soo maray maxralado isir nacayb iyo is dil oo ay ku loolamayeen dadka cadaanka ah iyo dadka madawi.
Waxaa south Africa kunool bulshooyin kala isir ah kuwaas oo kala ah(AFRICAN ,EUROPEAN,ASIAN,MULTIRACIAL) .hadaba wadanka south Africa waxa uu ka koobanyahay (9 GOBOL),nidaamkooda dawladnimana waa dawlad (BAARLAMAANI AH) waxaana lagu magacaabaa (RAINBOW GOVERNMENT).wadanka south Africa waxa uu leeyahay seddex caasimadood
1. Cape town: caasimadan waxaa degan (BAARLAMAANKA).
2. Pretoria: caasimadana waxaa degan (DAWLADA DHEXE).
3. Bloem fontein: caasimadana waxaa degan (BAHDA CADAALADA).
Wadanka south Africa waxaa daah-furay oo yimi 1488 PORTOQUEZE ,sidaa si lamida waxaa isna yimi DUCH ka sanadkii 1652 laakiin muu sii joogin .sikastaba ha ahaatee guumaystihii ugu danbeeyay waxa uu ahaa INGIRIIS ee guumaystay wadanka south Africa waxaanay madax-banaanidooda dib ula soonoqdeen sanadkii 1961.
DIIMAHA WADANKA SOUTH AFRICA.
36% WAA PROTESTANT CHRISTIAN
15.1% ATHEIST
11.1% ZION CHRISTIAN
8.2% PENTECOSTAL
7.1% ROMAN CHATHOLIC
6.8% METHODIST CHRISTIAN
6.7%DUCH REFORMED CHRISTIAN
3.8% ANGLICAN CHRISTIAN
1.5% MUSLIM (ADIINTA XAQA AH)
1.2% HINDU
QOOMIYADAHA KUNOOL WADANKA SOUTH AFRICA:
76.4% BLACK AFRICAN ( DAD AFRICAN AH)
9.1% WHITE PEAPLE ( DAD CADAAN AH)
8.9% COLOURED ( DAD ISKU JIRA )
2.5% ASIAN (DAD EESHIYAAN AH)
0.5% WAA DAD AAN ASALKOODA LAGARANAYN.
LUUQADAHA WADANKA SOUTH AFRICA:
1. ZULU: luuqada zulu waxaa ku hadla 22.7%dadka kunool wadanka south Africa.
2. XHOSA: luuqadan waxaa ku hadla 16.0% dadka kunool wadanka south Africa.
3. AFRICAANS: luuqadan waxaa ku hadla 13.5% dadka kunool wadanka south Africa.
4. ENGLISH: luuqadan waxaa ku hadla sa-visa2 images9.6% dadka kunool wadanka south Africa.
5. NOTHERN SOTHO: luuqadan waxaa ku hadla 9.1% dadka kunool wadanka south Africa.
6. TSWANA: luuqadan waxaa ku hadla 8.0% dadka kunool wadanka south Africa.
7. SESOTHO: luuqadan waxaa ku hadla 7.6% dadka kunool wadanka south Africa.
8. TSONGA: luuqadan waxaa ku hadla 4.5% dadka kunool wadanka south Africa.
9. SWATI: luuqadan waxaa ku hadla 2.5% dadka kunool wadanka south Africa.
10. VENDA: luuqadan waxaa ku hadla 2.4% dadka kunool wadanka south Africa.
11. NDEBELE: luuqadan waxaa ku hadla 2.1 % dadka kunool wadanka south Africa.
12. SA SIGN LANGUAGE 0.5% dadka kunool wadanka south Africa.
13. OHER LANGUAGES: 1.6% dadka kunool wadanka south Africa.

COMMENTS