CABAYS.COM
Ruushka Oo Saldhig Millatari Ka Sameysanaya Somaliland+Tirada Ciidammada Uu Keenayo
April 14, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(cabaysmedia) Warbaahinta dunida ayaa todobaad-yadii u danbeeyey qoreysay war bixino kala duwan oo la xidhiidha qorshe iyo danayn dawlada Ruushku ku dooneyso in ay saldhig Military kaga sameysato Somaliland gaar ahaan magaalada Saylac .
War bixintii u danbeysay ee warbaahinta dunidu ka qortey qorshahaas ruushku ku doonaayo saldhiga Military ee Saylac ayaa sheegay in wada hadal bilowdey 2017-kii oo dhex maray Masuulyinta Somaliland iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaarada Ruushka ee dalka Jabuuti ay kaga wada hadleen sidii Ruushku ay saldhig uga sameysan lahayeen .
Telegram Channel Directorate 4 oo soo xigtay African Media ayaa warbixin ay ka qortey saldhigan uu Somaliland ka doonaayo Ruushkuayaa lagu sheegay in hadii qorshahan saldhigan uu hir galo in uu ku talo galku yahay inuu hoy u noqdo ciidan dhan 1500 oo askari , Laba Markabnooca loo yaqaano Burburiyayaal ama Destroyers , Laba Gujis iyo afar Markab oo nooca cagta fudud ah loona yaqaano dalooliye ama Frigates.
Warbixintan waxaa ay intaas ku dartay sidoo kale inuu qorshahu yahay in la sameeyo laba Madaar oo markaa ay isticmaali doonan 6 ka mid ah diyaaradaha waa weyn oo Military-gaRuushku u isticmaali doono rarka Culus iyo 16 Diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.
Sidoo kale waxaa war bixintan lagu xusay in 250 Miliyan oo Doller uu Ruushku saldhigaas Somaliland ku dhaafsan doono isla markaana uu kiro ahaan u siin doono iyo waliba uu aqoonsi uu siiyo.
Todobaadkii hore ayaa warbaahin caalami ah oo kal aah Orientalreview.Org iyo SouthFront oo falanqeeya arimaha caalamka ayaa ay sheegeen in Ruushku damacsan yahay in uu saldhig Military ka yagleysho magaalada Saylac ee Somaliland.
Warbaahinta ayaa sheegay in Ruushka oo saldhig Military ka sameysta Somaliland ay soo celineyso miisaankiisa Africa , isla markaana uu dhex dhexaadin doono Somaliland iyo Somaliya isaga oo miisaamaya danahiisa oo ay ku jirto dawlada Itoobiya oo aan bad laheyn.
Source:- Wargeyska Saxansaxo

COMMENTS