CABAYS.COM
Ruuxaani oo ka niyad xun qorshaha Trump iyo Macron
April 25, 2018 - Written by Cabays

Madaxweynaha Iiraan Xassan Ruuxaani ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisa Yurub aysan sharci u lahayn in ay wax ka badalaan heshiiskii Nuyuukleerka ee lala galay dalkiisa.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo kan Faransiiska Emmanueal Macron ayaa ku dhawaaqay in ay ka shaqaynayaan heshiis cusub oo xagga Nuyuukleerka ah oo lala gaaro dalka Iiraan.

Balse Ruuxaani waxa uu sheegay in labada nin aysan xaq u lahayn in ay wadahadal ka galaan heshiis horey u galaan 7 dhinac oo kala duwan.

Waxa kale oo uu Trump ku tilmaamay nin baayac mushtar ah oo aanan wax aqoon ah u lahayn siyaasadda, sidaasi darteedna uu banaanka ka joogo arrimaha siyaasadda ku saabsan.

Trump ayaa sheegay in ay dib usoo celin doonaan cunaqabatayntii horey looga qaaday Iiraan haddii Aqalka Congress-ka iyo Midoowga Yurub ay sixi waayaan waxyaabaha ka qaldan heshiiskii horey loo galay.

 

Waxyaabaha xaalada sii murjinaya ayaa ah dalabkiisa ah in meesha laga saaro waqtiga loo qabtay dhaqangalka heshiiska, wuxuuna doonayaa in laga dhigo bil furan.

Ruuxaani ayaa sheegay in Iiraan ay muujisay niyad sammaan markii hore ee ay heshiiska saxiixaysay, taas oo caddeyn u ahayd in aysan damacsanayn in ay hesho hubka nuyuukleerka.

Waxa uu ka digay in adduunyada ay cawaaqib xun kala kulmi doonto haddii lasoo celiyo cunaqabataynta, iyada oo saraakiil reer Iiraan ah ay sheegeen in ay sii labo jibbaari doonaan bacriminta maadada Uranium-ka loo yaqaano ee Nuyuukleerka lagu sameeyo.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in dalkooda uu ka bixi doono heshiiska xakamaynta faafidda hubka nuyuukleerka.

COMMENTS