CABAYS.COM
Sacuudiga oo maanta lagu daawan doono Filim 40 sano kaddib markii ugu horeysay goob fagaaro ah laga baahiyo
April 21, 2018 - Written by Cabays

Maanta ayaa lagu wadaa in markii ugu horeysay Shacabka ku dhaqan dalka Sacuudiga 40 sano kaddib ku daawadaan Filim Goob Fagaaro ah lagu soo bandhigayo.

Kumannaan qof oo dhashay dalka Sacuudiga ayaa lagu waddaa in ka qeyb galaan daawashada filimkaasi.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa xayiraada saarneyd shineemooyinka laga qaaday oo horey loo sheegay inay tahay wax diinta kasoo horjeeda, laakiin hadda sababo dhaqaalle loo sameeyay.

Waxa ayna tallaabadan qeyb ka tahay isbadelada uu ku dhawaaqay inuu ka hirgalinayo dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed dalkaasi.

Tikityada lagu galayo filimka Black Panther oo la daawanayo maanta ayaa laga iibsaday Online ka hor dhowr daqiiqo .

Is-baddeladan ayaa waxaa loogu tala-galay in ay gacan ka geystaan in dhaqaalaha Sucuudiga si uu uga gudbo ku tiirsanaanta shidaalka, iyo in shaqooyin cusub loo abuuro shacabka Sucuudiga iyo waliba inay lacagahooda ku kharash gareeyaan gudaha dalka halkii ay ugu safri lahaayeen dibaddaha si ay shineemooyin u soo daawadaan.

COMMENTS