CABAYS.COM
Saddexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa heshiis noociisa hore loo arag ka gaadhay khilaadkii doorashada
July 27, 2019 - Written by Cabays

 

CabaysCabays Media (Hargeysa -JSL) – Saddexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriyada Somaliland oo heshiis wada jir ah ka gaadhay khilaafkii ku salaysnaa qaabkii Doorashada loo gali lahaa oo ay ugu horayso kordhinta xubnha gudida Doorashooyinka oo Xisbiga Waddani ku dooday in lagu kordhiyo laba xubnood todobada xubnood ee hore.

Heshiiskan xusbiyada ayaa iskugu soo shubtay in Golaha Wakiilda la horjeeyo, si ay ugu codeeyaan in la kordhiyo xubnaha iyo in kale. haddii ay diidaana lagu galo tiradii hore ee Gudida Doorashooyinka.

Nooca heshiiskan ayaa ah mid aan hore u soo marin Somaliland, isla markaana noqon kara mid sii abuura jawi kale oo ka dhasha Golaha Wakiilada.

Waxase foolxumo ah in heshiiskan ay ka dhexdhexaadiyeen ergooyin ka socda wadamada ka caawiya JSL doorashooyinka.

Halkan koose ka akhri qodobada heshiiska oo ay saddexda xisbi wada saxeexeen

Halkan hoose muuqaalka ka daawo hadaladii saxeexa heshiiskha kadib.

 

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

COMMENTS