CABAYS.COM
Sawirkii Qalbiyada Gilgilay- Aabe Iyo Inantiisa Oo Ku Qarqoomay Webi”
June 27, 2019 - Written by Cabays

Mexico City (Cabays Media)- Sawirka Maydka Aabo iyo gabadhiisa oo 2-jir ku haftay Webiga Rio Grande ee kala qeybiya ayaa la soo bandhigay shalay oo Arbaca ahayd galinkeedii dambe.

Labadooduba waxay geeriyoodeen, xilli ay doonayeen inay ka gudbaan Webiga kala qeybiya labadaas Waddan.

Sawirka oo aad looga tiiraanyooday waxa uu muujinayaa gabadha oo weli ku dhegan Aabaheed, iyadoo madaxoodu ku dhex jiro biyaha webiga.

Sawirkaasi waxaa qaaday Saxafi lagu magacaabo Julia Le Duc, waxaana lagu soo daabacay Wargeys ka soo baxa dalka Meksiko oo lagu magacaabo La Jornada, wuxuuna sawirkaasi sare u qaaday khatarta sare ee ay dadka Muhaajiriinta kala kulmaan safarka halista ee ay ku doonayaan inay ku galaan dalka Maraykanka.

Maamulayaasha dalka Meksiko ayaana la sheegay inay heleen maydka Aabaha 25-jirka ee lagu magacaabo Oscar Ramirez iyo gabadhiisa Valaria maalintii Isniinta ee la soo dhaafay, kadib, baadi-goob qaatay muddo 12-saacadood.

Hooyada dhashay gabadha oo lagu magacaabo Tania Vanessa Avalos oo isku dayday inay ka gudubto Webiga ayaa la soo badbaadiyey, iyadoo Warbaahinta uga sheekeysay dhacdada khatarta ee ay saygeeda iyo gabadheeda ku geeriyoodeen.

Wargeyska La Jornada ayaa soo weriyey in Qoyskaasi ay muddo 2 bilood ku sugnaayeen dalka Meksiko, iyagoo Fiiso Safal Aadminimo ka soo helay Xuduudka dalkaGuatemala.

Axaddii la soo dhaafay, waxay qoyskaasi aadeen goobta laga soo galo, siay magangelyo uga codsadaan magaalladda Matamoros ee dalka Meksiko, isla markaana xuduud la leh magaalladda Brownsville ee Maraykanka ee qeybta Bari ee xuduudka.

Xafiiska Xuduudka Meksiko oo maalmaha Axadda la xiro ayey waxay Qoyskii door bideen inay ku lugeeyeen Jiinka Webiga Rio Grande, ilaa ay ka gaaraan meesha ay doonayeen inay ka gudbaan

Aabihii, Oscar Ramirez waxa u dabaashay dhinaca Maraykanka ee Jiinka Webiga, wuxuuna gabadhiisa kaga soo tegay halkaasi, si uu ugu laabto dhinaca Webiga ee Meksiko,. Si uu xaaskiisa uga taageero inay ka soo gudbuto Webiga.

Balse, gabadhii yarayd ayaa la sheegay inay  webiga isku tuuro, xilli uu isaganajidka ugu soo jiray.

Aabihii waxa uu u laabtay gadaal, si uu gabadhiisa u soo qabto, balse, waxaa labadooda la tegay hir xooggan.

Rose Ramirez oo ah hooyadda dhashay Aabaha la geeriyoodeay gabadhiisa ayaa u sheegtay Wargeyska Maalinlaha ee El Diari de Hoy ee ka soo baxa dalka El Salvador  inay ka codsatay qoyskaasi inaysan bixin, balse ma aysan helin rajadoodii Riyadda Maraykanka.

AABAHA-IYO-GABADHIIISA-YAR-EE-KU-GEERIYOOTAY-WEBIGA-MEKSIKO

COMMENTS