CABAYS.COM
Hirdanka Senegal & Algeria – Finalka Koobka Wadamada Afrika Oo ay Algeria ka reebtay Nigeria – iyo Segnegaal oo sugaysa hirdanka ugu weyn
July 15, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays  Media  (Koobka Afrika 2019) – Xulka dalka Algeria ayaa asiibtay  in ay u gudubto kaalinta kaba dambaysta ah ee tartanka kubada cagta qaarada Afrika oo ka socda dalka Masar, ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen xulka dalka Nigeria kulankii semi-finalka ama u gudibkii kaalinta kama dambaysta ee koobka lagu qaadayo, iyadoo Riyad Mahrez uu dhaliyay goolka guusha wakhigii dhamaadka ciyaarta ciyaarta.

Algeria ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 40aad ee qeybtii hore markii uu gool iska dhaliyay xiddiga Nigeria William Troost-Ekong.

Laakiin Nigeria ayaa barbareysay ciyaarta daqiiqadii 72aad markii ku laa dasho (rigoore) loo dhigay uu gool u u kordhiyey Odion Ighalo. Iyadoo ay u muuqato in ciyaarta 30 daqiiqo dheeraad ah lagu darayo ayey Algeria heshay goolka guusha waqtigii qabogabada ee daqiiqadii 92aad.

Senegal vs Algeria - Finalka Koobka Qaramada Afrika Oo La Go'aamiyay Ka Dib Markii Algeria Ka Takhalustay Nigeria

Riyad Mahrez ayaana goolka guusha u saxiixay xulka Algeria oo u soo baxay finalka Koobka dalalka Afrika iyadoo markii ugu danbeysay ee ay koobka qaadaan ay aheyd sanadkii 1990.

 Waxa ay finalka haatan isku arki doona xulalka Senegal iyo Algeria oo noqoneysa ku celiska kulankoodii wareega group-yada markaasoo ay Algeria 1-0 ku badisay. Finalka waxaa la ciyaari doonaa 19ka bishaan oo ku beegan maalinta Jimcaha.
Xulka Senegal ayaa iyaganu soo gudbay finalka Koobka Wadamada Afrika ka dib markii ay 1-0 ku soo tumeen xulka dalka Tuunisiya iyagoo isla gaadhay wakht dheeraad ah oo la gu daray.

Goolka ay Senegal ku badisay ayaa ahaa gool ay iska dhaliyeen xulka Tuunisiya iyadoo labada xulba ay waqtigii caadiga ahaa ee 90ka daqiiqo ay iska qasaariyaan rigoorayaal loo dhigay.

Senegal ayaa rajeyneysa inay markii ugu horeysay qaado Koobka Qaramada Afrika iyadoo markii ugu danbeysay ee ay gaadho finalka saandkii 2002 koobka lagaga qaaday rigoorayaal kulankii ay la ciyaareen dalka Kameruun.

Taageerayaash Tuuniisa ayaa dalalka ay ka joogaan dunida, sida dalka France iyo UK ayaa xalay aad looga dareemay isku soo baxyo ay ku sameeyeen dariiqyada ka dib guushii ay ku gaadheen in ay dalka Senegal ku wajahaan ciyaarta kama dambaysta. Ciyaarta Jimcaha ee ay labadan dal isku wajihidoonaan ayaa Afrika u kala saaridoonto Afrikada Carbeed iyo Afrikada ka hoosaysa Saxaraha ee madow oo taageerada ugu badan ay ka heli doonaan xulka dalka Senegal.

COMMENTS